Turkiga oo waaran soo qabasho u jaray siyaasi gubay Kitaabka Qur'aanka

Image
Siyaasigan garabka midig ah oo u dhashay Denmark, Rasmus Paludan, ayaa lagu eedeeyay "bahdilka diinta Islaamka".

ANKARA, Turkey - Maxkamad ku taalla magaalada Ankara ee caasimadda waddanka Turkiga ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo siyaasiga garabka midig ee u dhashay Denmark, Rasmus Paludan, kaasoo bishii Jannaayo ee sannadkan ku gubay afaafka safaaradda Turkiga ee Stockholm nuqul ka mid ah qur'aanka kariimka ah.

Dhacdadan oo si weyn u hareysay baraha bulshadda 21-kii bishii Jannaayo, ayaa waxay dhalisay caro iyo cambaareyn guud ahaan caalamka Islaamka.

Baaritaanka uu bilaabay xafiiska dacwad oogaha guud ee Ankara ee ka dhanka ah Paludan oo lagu eedeeyay "aflagaado ka dhan ah qiyamka diinta Islaamka".

Iyada oo qayb ka ah baaritaanka, Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud wuxuu codsaday in la xiro Paludan si loo helo marag furkiisa la xiriira falka Qur'aanka lagu gubay.

"Markii ay qiimeeyeen codsigaas, Maxkamadda Dambiyada 8aad ee Ankara ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo siyaasiga Danishka ah," ayaa lagu yiri war qoraal ah. "Waxaa sii kordhaya weerarada ka dhanka ah kitaabka muslimiinta".

Bishii la soo dhaafay, Salwaan Momika oo u dhashay Ciraaq oo qaxooti ku ahaa dalka Sweden ayaa sidoo kale ku gubay bannaanka masjidka magaalada Stockholm bogag qur’aanka kariimka ah.

Maalintii Khamiista ayuu kitaabka quraanka ku tuntay meel caws badan oo u dhaw safaarada Ciraaq ee Stockholm. Ciraaq ayaa eriday ergayga Swedishka ah dhacdadan naceybka ah awgeed, iyadoo la weeraray safaaradda Stockholm ee Baqdaad. Sweden waxay xudun u noqotey gubida Qur'aanka dhowrkii maalmood u dambeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Cusub: Puntland oo Eedaysay Madaxweyne Xasan Sheekh

Wasaaraddu waxay sheegtay in guddigu uu jadwalkiisa ku daray degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

  • Soomaliya

    24-02-2026

  • 11:17AM

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM