Turkiga oo xiriirka Soomaaliya ku helay malaayiin doolar

Image
Xiriirka ganacsiga ee labada dal ayaa la sheegay in durba uu muujinayo natiijo labada dal farax galiyay.

MUQDISHO, Soomaaliya – Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhaxeeya xiriir aad u wayn oo ku qotoma dhinacyada dublamaasiyadda, siyaasadda, ganacsiga iyo arrimaha militariga sida uu ku waramay wargayska Wargeyska Daily Sabah ee ka soo baxa dalka Turkiga ka dib markii wariye-yaal ka socda ay kuur galeen ganacsiga magaaladda Muqdisho.

Xiriirka ganacsiga ee u dhaxeeya labada dal ayaa wargaysku sheegay in durba uu muujinaya natiijo labada dowladood farax galiyay, gaar ahaan dowladda Turkiga oo isha ku haysa maalgashiga ganacsiga ee muwaaniinteeda iyo shirkadaheeda ay ku sameeyeen gudaha Soomaaliya, iyada oo xitaa wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga ay si sanadle ah ula socota baaxadda maalgashiga Turkiga ku sameeyo Soomaaliya sida ay tabinayso warbaahinta dalkaas.

Tirakoobyada ay hayso Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, ganacsiga Turkiga uu ka sameeyay Soomaaliya wuxuu gaaray $187.3 milyan sanadka 2018 halka $250.85 milyan uu gaaray sanadka 2019, sida uu faafiyay wargeyska Daily Sabah ee Istanbul kasoo baxa.

Sannadkii 2020-kii, baaxadda ganacsiga Turkiga iyo Soomaaliya ayaa lagu qiyaasay 280 milyan oo doolar, waxaana lagu qiyaasaa in shirkadaha Turkiga ay maalgashi ku sameeyeen dalka ay gaareen $100 milyan.

Wargayska ayaa sheegay in marka aad tagto suuqyada Bakara, Xamarweyne ama Suuq Bacaad oo dhammaantood ku yaalla caasimada aad arki karto badeecooyinka lagu sameeyay Turkiga ee buux dhaafiyay, gaar ahaan dharka iyo qalabka kale.

Ganacsatada suuqyadasai ayaa wakaalada wararka ee Turkiga ee Anadolu u sheegay in saaxibtinimada Muqdisho iyo Ankara ay ganacsatada Soomaalida gaar ahaan shirkadaha yar-yar fursad u siisay in ay Turkiga la falgalaan islamarkana badecooyiin badan ay Turkiga ka soo iibsadaan.

Badeecooyiinka inta badan ay ganacsatada Soomaaliyeed ka keenaan dalka Turkiga ayaa waxaa ka mid ah dharka, qalabka electroonika, qalabka dhimaha iyo waliba alaabaha guryaha la dhigto.

Cabdiwaaxid Axmed Ibrahim, oo ka mid ah ganacsatada magaalada Muqdisho ayaa wakaalada wararka ee Anadolu u sheegay in sanooyiinkii u dambeeyay ay ganacsatada Soomaaliya ay fursao badan oo ganacsi ka heleen Turkiga.

“Waxaan filayaa in arrinta ugu muhiimsan ay tahay in markii hore dharka laga keeni jiray Shiinaha iyo dalal kale, kuwaasoo aad u jaban, balse tayadoodu aad u yar tahay, hadda dhammaan badeecooyinka uu sameyay Turkiga waa kuwo la isku halleyn karo oo la awoodi karo, dadka Soomaaliyeedna farqiga u dhexeeya way arki karaan,” ayuu yiri. Ibraahim.

Toban sano kahor, markii madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, uu cagta dhigay Muqdisho, isagoo ku tegay booqashadii ugu sarreysay ee hoggaamiye uu ku tago Soomaaliya ayaa waxay taasi indhaha caalamka u soo jiidday xaaladda daran ee bani’aadannimo ee ka jirtay dalkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka iyo Ukraine oo Kala Saxiixday Heshiis Dhaqaale Kadib Markii Trump Dood Keenay

Ra’iisul Wasaaraha Ukraine, Denys Shmyhal, oo qoraal ku daabacay baraha bulshada ayaa…

  • Soomaliya

    01-05-2025

  • 12:54AM

Puntland iyo Somaliland oo is-dhaafsaday Maxaabiis Dagaal 

Wasiirku wuxuu ku tilmaamay is-weydaarsigan mid muhiim u ah dhismaha kalsoonida iyo xasilinta xiriirka labada dhinac.

  • Soomaliya

    30-04-2025

  • 09:36AM