UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Image

QAAHIRA, (Garowe Online) — ururka  Jaamacadda Carabta iyo dalka Imaaraadka Carabta ayaa si adag u cambaareeyay go’aankii Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland, iyagoo muujiyay garab istaag buuxa oo ay la leeyihiin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo midnimadeeda dhuleed.

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas oo uu guddoominayay Danjiraha Imaaraadka Carabta u fadhiya Jaamacadda Carabta, Hamad Obaid Al Zaabi. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray cambaareynta aqoonsiga Israa’iil ay 26-kii Diseembar 2025 ku dhawaaqday, iyo muujinta taageero buuxda oo loo hayo Soomaaliya, xilli ay taagan yihiin hanjabaado ku wajahan madax-bannaanideeda iyo wadajirka dhulkeeda.

Kadib warbixin uu golaha siiyay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Jaamacadda Carabta, Ali Abdi Awrai, goluhu wuxuu si kulul u cambaareeyay tallaabada Israa’iil, isaga oo gebi ahaanba diiday saameynta siyaasadeed iyo amni ee ka dhalan karta.

Goluhu wuxuu mar kale adkeeyay in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sida ku cad Axdiga Jaamacadda Carabta iyo Axdiga Qaramada Midoobay, isla markaana tallaabada Israa’iil ay tahay faragelin toos ah oo lagu wiiqayo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Sidoo kale, goluhu wuxuu sheegay in aqoonsiga sharci-darrada ah ee Israa’iil uu yahay weerar ka dhan ah amniga guud ee Carabta, isla markaana uu halis gelinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka iyo tan caalamiga ah. Golaha ayaa ku baaqay in la qaado tallaabooyin sharci, siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed oo lagaga hortagayo arrintan.

Goluhu wuxuu mar kale xaqiijiyay taageerada buuxda ee uu u hayo amniga, xasilloonida, midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo xaqeeda is-difaacid sharci ah oo waafaqsan sharciga caalamiga ah.

Goluhu wuxuu sidoo kale ka digay cawaaqibka tallaabadan ku yeelan karta xasilloonida Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Geeska Afrika, isagoo si cad u diiday isku day kasta oo lagu barakicinayo dadka Falastiiniyiinta ah ama lagu adeegsanayo dhulka Soomaaliyeed sidii saldhig lagu fuliyo qorshayaal gardarro ah.

Ugu dambayn, goluhu wuxuu ugu baaqay beesha caalamka iyo hay’adaha caalami iyo kuwa goboleed in ay ka fogaadaan xiriir kasta oo rasmi ama aan rasmi ahayn oo lala yeesho maamulka Somaliland, kana baxsan qaab-dhismeedka madax-bannaanida Soomaaliya. Waxa kale oo uu faray Xoghaynta Guud ee Jaamacadda Carabta in ay la shaqeyso dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay si loo dejiyo hannaan lagu ilaalinayo amniga iyo xasilloonida gobolka, isla markaana warbixin arrintan ku saabsan loo gudbiyo kulanka wasiirrada ee xiga.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

Cirro oo Si Qarsoodi Ah U Boqday Israa’iil, Lana Kulmay  Netanyahu - XOG

Booqashadan ayaa timid iyadoo Israa’iil noqotay dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 02:03PM