Ugu yaraan Toban qof oo ku dhimatey qarax ka dhacey Hotel Central

Image

Muqdisho Feb 20,2015 [GO]- Wararka ugu dambeeyey oo ka imaanaya qarax is-miidaamin ah oo ka dhacey Hotel Cenral ayaa sheegaya in ilaa hadda toban qof maydkooda la hayo halka dhaawac aan la tirakoobin uu jiro.

Weerarkaan ayaa ku bilowdey gaari qarax laga soo buuxshey oo ku dhacey irrida hore ee Hotelka halka qof is qarxinaya gudaha u soo galey dhismahaas isagoo beegsadey masjid lagu tukanayey.

Gudaha Hoteelkaan ayaa wararku sheegayaan iney ku sugnayeen dad isku jira siyaasiyiin, Wasiiro ka tirsan xukuumadihii isaga dambeeyey Muqdishu iyo xildhibano. 

Xogaha kasoo baxaya Hotelkaas oo aad u yar madaama howlgal ciidan ka socdo islamarkaana lagu mashquulsan yahay sidii loo cawini lahaa dadka ku dhaawacmey weerarkaas ayaa waxaa soo baxaya iney ku dhaawacmeen wasiiro iyo xildhibano goobtaas.

Waxaa dhaawac kasoo gaarey weerarkaan wasiirka cusub ee duulista hawada Jangali, wasiir ku-xigeen ka tirsanaa xukuumadii Cabdiweli Shiikh oo la yiraahdo Bankax iyo xildhibaan Kulan halka aan weli dhaawac iyo dhimasho la helin ilaa hadda Cabdishakuur Mire Aadan oo ah siyaasi reer Puntland ah.

Wararka aan la xaqiijin ayaa sheegaya sidoo kale in weerarkaan uu ku dhintey Cabdifatax Khaliif Baadiye oo ahaa howlwadeen ka tirsan xafiiska Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashid.

Wararka kasoo kordha weerarkaan kala soco Garowe Online

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM