UK oo caddeysay mowqifkeeda "masiirka" Somaliland

Image
Tani ayaa imaanaysa xilli baarlamaanka dalkaas uu bilaabay ka doodida "aqoonsiga" maamulka Hargeysa.

LONDON, Britain - Boqortooyadda Midowday ee UK ayaa si rasmi ah waxay shaaca uga dhigtey mowqifkeeda ku aadan halka ay ka taagan tahay aqoonsiGga ama gooni-isu-taaga Somaliland.

Dhawaqan ayaa kusoo hagaagaya xilli uu baarlamaanka dalkaas maanta billaabay dood ku saabsan aqoonsiga maamulka xaruntiisu tahay magaalada caasimadda ah ee Hargeysa.

Victoria Grace Ford, Wasiirka Arrimaha Afrika ee dowladda UK, ahna xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalkaas ayaa Twitterka ku qortey "in mowqifka dowladeeda uusan wali isbedelin".

Sida laga soo xigtey Ford, dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayay tahay in ay go'aan wadajir ah ka gaaraan qadiyaddan soo taagan tan iyo sanadkii 1991-dii.

"Doodda Aqalka Baarlamaanka waxay hoosta ka xariiqeysaa mowqifka aan is baddalin ee ay dowladda UK ka taagan tahay arrinta Somaliland," ayay ku bilowdey qoraalkeeda.

Ford oo maanta telefoonka kula hadashay wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya ayaa raacisay: "Waa howl u taalla Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya inay go'aan ka gaaraan mustaqbalkooda".

Waan sii wadi doonnaa inaan arrimaha dimuqraadiyadda, amniga iyo horumarka kala shaqeyno dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo Somaliland," ayay hadalkeeda kusoo gabagabeysay.

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa shaacisay in Ford iyo Cabdisaciid Cali Muuse ay kawada xaajoodeen "ixitaamka midnimadda, qaranimadda iyo madax-banaanida labadda dal".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM