UK oo walaac ka muujisay xiriirka u bilowday Shabaab iyo Xuutiyiinta

Image
Xiriirkan ayuu ku tilmaamay isku day ay Xuutiyiinta" ku doonayaan in ay isku balaariyaan gobolka.

MUQDISHO, Soomaaliya - James Kariuki, ku xigeenka wakiilka UK ee Qaramada Midoobay, ayaa cambaareeyay xiriirka la sheegay in ay yeesheen Xuutiyiinta Yemen iyo kooxda hubaysan ee xiriirka la leh al-Qaacida ee AS.

Kariuki wuxuu hadalkan sheegay mar uu maanta ka hadlayay fadhi golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay

Xiriirkan ayuu ku tilmaamay isku day ay Xuutiyiinta" ku doonayaan in ay isku balaariyaan gobolka wuxuuna ugu baaqay guddiyada cunaqabateynta ee Qaramada Midoobay inay ka hortagaan "walaacan”.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM