UN-ka oo baaq kasoo saarey khilaafka federaaleynta Soomaaliya

Image
Dowladda Federaalka iyo Puntland ayaa muujiyay in ay isku-maan-dhaafsan yihiin qaddiyadan.

MUQDISHO, Soomaaliya – Mas’uul ka tirsan hay’ad caalami ah oo fadhigeedu yahay Muqdisho ayaa xaalada soo kabashada Soomaaliya la barbar-dhigay "koob biyo ah oo kaliya uu nus buuxo," sidda ay kasoo xigatay Majaladda Financial Times.

Inkasta oo aysan soo bandhigin magaca iyo dalka uu kasoo jeedo sarkaalkan sarre, Jariiradda FT ayaa tibaaxdey in shaqsigan uu hadalkiisa intaas ku daray "in Soomaaliya ay mar ahayd tusaalaha loosoo qaato dowladaha fashilmay".

"Soomaaliya mar bay ahayd sawirka caruurta dowladaha fashilmay," ayuu tibaaxay mas’uulkan. "Balse waxaad moodaa in taas ay meesha kasii baxayso. Koobka-biyaha waqti-xaadirkan waxaa nus ayaa buuxa".

Diblumaasi Afrikaan ah oo qudhiisa u waramay wargeyska FT ayaa taageero u muujiyey hadalkan mas’uulkan, hase ahaatee, waxa uu tibaaxay in muhiim ay tahay in mudnaan la siiyo sidii loosoo dardargelin lahaa xasilinta magaala madaxda.

"Haddii ay xilli gaar ah eegto Soomaaliya waaqtigan, waxaa kusoo baxaysa mashquul badan iyo circa oo roob ka da’ayo," ayuu ku bilaabay hadalkiisa diblumaasigan. "Balse, marka aad dusha sare ka eego, waxaa qireysaa in uu horumar jiro".

Anita Kiki Gbeho, oo ah madaxa Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa soojeedisay in is-maan-dhaafyadda ka jira arrimaha federaaleynta dalka ay muhiim tahay in lagu xaliyo hanaanka uu xeerinayo dastuurka.

“Hadafka ugu dambeeya waa Soomaaliya oo nabad ah oo barwaaqo ah. Sida lagu gaari karo midaas waa in la isku-yimaado oo lagu heshiiyo sida uu u ekaanyo federaalka Soomaaliya, taasna waxaa lagu qeexay dastuur," ayay xustay.

Dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland ayaa dhowrkii bilood lasoo dhaafay muujiyey kala aragti-duwanaanshiyo la xiriirta qaddiyaddan. Dadaalo waan-waan ah oo Beesha Caalamka ay horboodeyso ayaana soo if-baxaya.

Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni oo muddo xileedkiisa dastuuriga ah ay bilooyin uga hareen ayaa isku-qasay damaciisa gaarka ah iyo arrimaha masiiriga ah ee Soomaaliya waxaana arrinkaas ka dhashay in uu ka baaqdo kulamo muhiim ah.

Saaxiibadda caalamka oo uu wadahadalo kula yeeshay magaalada Nairobi bishii hore ayaa ku wargeliyey in muhiim ay tahay in uu xaadiro fadhiyada madaxda dowladda federaalka iyo maamulada uuna halkaas ka caddeeyo waxyaabaha uu ka tabanayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM