UN-ka oo ka qaylo-dhaamiyey abaaraha Soomaaliya

Image
Sanadihii la soo dhaafay, masiibooyinka dabiiciga ah ayaa ahaa kuwa ugu badan ee sababa barakaca Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya – Qaramada Midoobay ayaa Arbacadii ka digtay in ay soo food saartay dhaqaale la'aan naafaysa wax ka qabashada abaarta ba'an ee Soomaaliya, taasoo ay " hareeyeen" xasaradaha kale ee bini'aadantinimo oo uu ku jiro dagaalka Ukraine.

Dalkan ay dhibaatada ka jirto ee Geeska Afrika ayaa waxaa halakeeyay abaaro, kuwaasoo saameeyay 4.5 milyan oo qof -- ku dhawaad 30 boqolkiiba dadka Soomaaliyeed -- laga soo bilaabo bishii Febraayo, ka dib saddex xilli oo isku xigta ma helin roobab ku filan.

Laakin ilaa hadda UN-ku waxa ay xaqiijisey oo kaliya saddex boqolkiiba 1.46 bilyan oo u dhiganta (1.23 bilyan oo Yuuro) oo loo baahan yahay in lagu daboolo baahiyaha Soomaalida, Adam Abdelmoula oo ah isku duwaha arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo shir jaraa’id ku qabtay caasimadda Kenya ee Nairobi.

"Xaaladdu aad ayay u xun tahay oo si degdeg ah ayay uga sii daraysaa," ayuu yiri. "Aragtidu waxay ahayd mid aad u murugo badan ka hor inta uusan dillaacin qalalaasaha Ukraine, waxaa hareeyay qalalaasaha ka jira Tigray, Yemen, Afgaanistaan, hadda Ukraine waxay u muuqataa in ay nuugaan dhammaan oxygenta qolka ku jirta," ayuu raaciyay. "Aad ayaan uga walaacsanahay."

Ku dhawaad 671,000 oo qof ayaa lagu qasbay in ay ka cararaan guryahooda si ay biyo, cunto ama daaq ugu raadiyaan xoolahooda, taasoo ka badan laba jibaar 245,000 oo barakacay bishii December.

Sanadihii la soo dhaafay, masiibooyinka dabiiciga ah ayaa ahaa kuwa ugu badan ee sababa barakaca Soomaaliya, oo ah waddan ay dagaalladu aafeeyeen, kana mid ah kuwa adduunka ugu nugul isbeddelka cimilada.

“Waxaan booqday caasimadyo kala duwan sanadkii hore, shan caasimadood oo Yurub ah iyo Washington DC, waxaan dadaal ugu jiray sidii Soomaaliya dib ugu soo celin lahayd khariidadda,” ayuu yiri.

Waxaa horey ugu dhacay duulaanka Ayaxa intii u dhaxeysay 2019 iyo 2021 iyo sidoo kale masiibada Covid-19, Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya ayaa dhamaantood la halgamaya abaaro bilo ah.

"Saadaasha ayaa tilmaamaysa in xilli-roobaadka soo socda ee la filayo bisha Abriil uu sidoo kale ka hoos mari karo celceliska. Haddii aynaan horay u dhaqmin, waxaan isku arki karnaa xaalad aad u daran marka la gaaro bisha Juun," Abdelmoula ayaa ka digay.

"Qiimaha waxqabad la'aanta ama ficilka daahida ayaa si fudud aad u sarreeya."

Sannadkii 2017-kii, hawlihii hore ee bini'aadantinimada ayaa baajiyay macluushii Soomaaliya, taasoo aad uga duwan 2011 markaas oo 260,000 qof -- kala bar ay ahaayeen carruur da'doodu ka yar tahay lix sano -- ay u dhinteen gaajo ama cudurro la xiriira gaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo dilay 57 Xubnood oo Daacish ah

Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale ku guuleystay inay jebiyaan weerar culus oo ay kooxda Daacish ku soo qaadey, iyagoo qabtay dhul muhiim ah.

  • Soomaliya

    05-02-2025

  • 02:49PM

Ciidanka Difaaca Puntland oo Hawlgallo Xoogan Ka Wada Cal-Miskaad

Durba saldhigyo ayeey ciidanku xoog kula wareegeen. Ajaanib badan ayaa la dilay," ayaa lagu yiri war ka soo baxay taliska.

  • Soomaliya

    05-02-2025

  • 09:34AM