UN-ka oo shaaciyey dakhliga bil walba ay uruuriso Al-Shabaab
WASHINGTON, USA – Sida laga soo xigtay Xarunta Daraasaadka Istiraatiijiyadeed ee Afrika, tirada weerarrada Al-Shabaab ayaa kor-u-dhaafay 1,771 waxayna gaareen 2,072 sanad kadib bixitaanka Mareykanka, taasoo ka dhigay koror dhan 17%, waana qiimo weyn marka loo eego xaaladda uu dalku wajahayo.
Dagaalada ay la galeen ciidamada amaanka ayaa kor u kacay 32%. Bishii lasoo dhaafay, saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in ilaa 450 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada Midowga Afrika ku leeyihiin Koonfurta Soomaaliya, halkaasoo ay ku dileen ugu yaraan 40-askari oo ka tirsan ciidamada Burundi.
Khubarada Qaramada Midoobay ayaa Al-Shabaab ku tilmaamay kooxda ugu awoodda badan Al-Qaacida ee xiriirka la leh. Waxa ay ku qiyaaseen in ay leedahay ilaa 12,000 oo dagaalyahan iyo awood ay ku ururin karto dakhli bishiiba gaaraya $10m (£8m).
"In ciidamada Mareykanka ay dib ugu soo laabtaan Soomaaliya waxay sameyn doontaa isbedel weyn," ayay tiri Samiira Gaid, madaxa fulinta ee machadka Hiraal, oo ah hay'ad cilmi-baaris oo fadhigeedu yahay Muqdisho, isla markaana diiradda saarta arrimaha ammaanka.
Samiira ayaa hadalkeeda intaas ku dartey: "Ma guuleysan doonto dagaalka, laakiin waxay siin doontaa maamulka cusub boos si uu u dejiyo mudnaanta amniga."
Walwalka soo laabashada askarta Mareykanka
Sidoo kale tababarida, latalinta iyo qalabaynta waxa ay Africom ku tilmaantay “ciidamo wadaaga”, ciidamada Maraykanka waxay yeelan doonaan awood joogto ah oo ay ku beegsadaan ku dhawaad 12 ka mid ah hogaamiyayaasha Al-Shabaab.
Duqeymo hore oo Mareykanka uu fuliyay ayaa hakad geliyay dhaq dhaqaaqii kooxda, waxaana taasi ay keentay in dagaalyahanada sare ee Al-Shabaab ay dhaq dhaqaaqyo ka sameeyaan halkaasi, waxaana taasi ay keentay in ciidamada lugta Al-Shabaab ay weeraro waaweyn geystaan.
Dadka qaar ayaa shaki ka qaba soo laabashada ciidamada Mareykanka, taasoo muujineysa in dadka caadiga ah ay dhibanayaal u noqdeen weerarada diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka.
"Dad rayid ah ayaa lagu dilay duqeymaha Mareykanka," ayay tiri Xaliimo Axmed, oo ah ardayad jaamacadeed oo aabaheed lagu qarxiyay weerar ismiidaamin ah oo Al-shabaab ay bishii September 2021-kii. iyadoo la tixraacayo dilalka qorsheysan ee lala beegsanayo hoggaamiyeyaasha mintidiinta.
GAROWE ONLINE