UN-ka oo Soomaaliya u sameeyay balanqaad la xiriira ammaanka

Image
Qadiyadan ayaa lagu soo qaadey kulan uu Ra'iisul Wasaare Xamse la yeeshay ergayga cusub ee Qaramada Midoobay.

GAROWE, Puntland - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u soo magacaabay Soomaaliya.

Xamsa Cabdi Barre iyo Catriona Laing oo yeeshay fadhi gaar ah ayaa waxay ka wada hadleen xoojinta wada-shaqeynta iyo taageerada ay hay’adaha QM siiyaan Soomaaliya.

Ra'iisul Wasaare Xamsa ayaa Qaramada Midoobay uga mahadceliyey taageerada dhinacyada badan ee ay u fidiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dadaalka ay geliyaan dhinaca arrimaha bini’aadanimada.

Wasiirka koowaad ayaa muujiyey sida ay Xukuumaddiisa uga go'an tahay in ay si dhow ula shaqeyso QM, iyada oo xoogga la saarayo arrimaha ahmiyadda u leh Xukuumadda si loo xaqiijiyo guulaha la hiigsanayo.

Catriona Laing ayaa, sidda ku xusan qoraal kasoo baxay xafiiska Xamse, waxay dhankeeda ka mahadnaqday soo dhaweynta ay kala kulantay dowladda Soomaaliya.

Laing ayaa waxay tilmaantay in howlgalkeeda cusub uu sii adkayn doono wada-shaqeynta, taageerada iyo isgarab taagga ay QM siiso Soomaaliya ee dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM