UN-ka oo taageerey qorshe ay gudbisay dowlada Soomaaliya

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soojeedintan hor-dhigay xoghayaha Qaramada Midoobay, António Guterres.

WASHINGTON, USA - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Xogahayaha Qaramada Midoobey António Guterres ayaa kala hadlay gargaarka degdegga ah ee abaaraha iyo mashaariicda hormarineed ee laga fulinayo dalka.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xasilloonida dalka, waxa uuna la wadaagay Xoghayaha Qaramada Mideoobey, halganka isku dhafka ah ee ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay wadaan ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada.

Xoghahaya Qaramada Midoobey António Guterres ayaa soo dhaweeyey aragtida Madaxweynaha ee la xiriirta dib u qaabeynta mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliyaan dalka, waxa uuna tilmaamay in talooyinka iyo soo-jeedinta Madaxweynaha ay ku saleynayaan qorshahooda, sidoo kalena ay dardar gelinayaan doorka Beesha Caalamka ee gurmadka abaaraha.

António Guterres ayaa ku bogaadiyey shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed sida ay uga go'an tahay horumarinta hannaanka dhaqaalaha, deyn cafinta, dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xal u helidda duruufaha soo laalaabtay oo ay ka mid tahay abaaraha iyo fataahadaha.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey Qaramada Midoobey taageerada ay siiyaan dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ku adkeeyey in ay sii waddan garab istaaggooda ay u muujiyeen Shacabka Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gudoomiyaha Gudiga Midowga Afrika oo booqasho ku tagey Muqdisho

Mudane Maxamuud Cali Yusuf ayaa sheegay in booqashadiisa Soomaaliya oo ah dalkii ugu horreeyay ee uu booqdo Qaaradda.

  • Soomaliya

    23-03-2025

  • 12:42PM

Kadib markuu ka badbaadey Qarax, Xasan Sheekh oo ku baaqey in loo midoobo dagaalka Al-Shabaab

Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada bishan, iyadoo isku dayday inay qarax ku disho Xasan Sheekh 18kii March.

  • Soomaliya

    23-03-2025

  • 11:20AM