UNICEF oo Wakiilku cusub u soo magacowdey Soomaaliya

Image
Image
Intii lagu guda-jiray kulanka qaabilaadda, ayaa waxaa lagaga wadahadlay dhowr qodob oo muhiim u ah labada dhinac.

MUQDISHO, Soomaaliya - Siihayaha xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Balal Maxamed Cusmaan, ayaa shalay xafiiskiisa Wasaaradda kaga guddoomay waraaqaha aqoonsiga Wakiilka cusub ee Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Daryeelka Caruurta (UNICEF) u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Wafaa ElFadil Saeed Abdelatef.

Intii lagu guda-jiray kulanka qaabilaadda, ayaa waxaa lagaga wadahadlay dhowr qodob oo muhiim u ah labada dhinac oo ay ka mid yihiin sare u qaadidda iskaashiga mira-dhalka ah iyo xoojinta wadashaqaynta xooggan ee  Soomaaliya kala dhexeeya Qaramada Midoobey iyo hay'adaheeda gaarka ah si loo gaaro ujeeddada la hiigsanayo oo macno wax ku ool ah ku leh dano wadaagga.

Dhanka kale, wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Maxamuud Cabdi Xasan Pekos iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa. 

Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa Addis Ababa kusoo dhoweeyey Qunsulka Safaaradda JFS ee Ethiopia ahna ku simaha Safiirka Mudane Cali Maxamed Xuseen iyo masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibadda Ethiopia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha AFRICOM: Taageerada Mareykanka waxay ku xiran tahay horumarka siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya

Haddaladda Jeneraal Anderson ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayo caqabado dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 09:16AM

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM