UNOCHA oo soo saartey qaylo-dhaan la xiriirta Soomaaliya
NEW YORK, USA – Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini’aadantinimada ayaa sheegtay in dad lagu qiyaasay 4.3 milyan oo qof ay saameeyeen abaarta ba’an ee ka jirta qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya, halka ay bil ka hor ahayd 3.2 milyan oo qof.
Xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay (UNOCHA) ayaa sheegay in abaarta sii kordhaysa ay keentay in ilaa 271,000 oo qof ay ka tageen guryahoodii iyagoo raadinaya biyo, cunto iyo baad.
"Iyadoo xilli roobaadka soo socda aan la fileynin illaa iyo Abriil 2022, Soomaaliya masiibo ay sababtay abaartu ayaa ka dhici karta," UNOCHA ayaa sidaasi ku sheegtay warbixintii ugu dambaysay ee ay ka soo saartay Muqdisho.
UNOCHA ayaa sheegtay in Sanduuqa Dhexe ee Gurmadka Degdegga ah ee Qaramada Midoobay uu 25 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah u qoondeeyay wax ka qabashada Abaaraha, waxaana Sanduuqa Bani'aadamnimada Soomaaliya uu dhaqaalahan laga siiyay 6 Milyan oo Doollar.
Maalgelin dheeri ah oo loogu talagalay waaxyaha mudnaanta leh ayaa si degdeg ah loogu baahan yahay si loo badbaadiyo nolosha iyo Qorshaha Ka jawaabidda Bani'aadamnimada ee Soomaaliya 2022 ayaa lagu sheegay qoraalka Hay’ada.
"Biyo la'aan daran iyo helitaan la'aanta fayadhowrka iyo tas-hiilaadka nadaafadda ayaa sare u qaaday halista cudurro dillaaca," ayay tiri UNOCHA. Waxaa ay ka digtay in abaartu ay sii xoogeysato iyadoo Soomaaliya ay wajaheyso khatarta ah in xilli roobaadkii afaraad oo xiriir ah uu baaqsado horraanta sanadka 2022-ka.
Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in abaartu ay sii kordhinayso baylahda daran iyo baahiyaha bini’aadantinimo ee ay sababeen tobanaan sano oo colaado iyo amni darro daba dheeraatay, qalalaasaha cimilada iyo cudurro dillaacay. Waxa ay sheegtay in kumannaan carruur ah ay ka baxeen iskuullada, kaddib markii waalidiintu aysan awoodin inay iska bixiyaan lacago, iyadoo intaas ku dartay in cunno-yarida ay sii kordhayso, nafaqo-darradana ay ka jirto deegaannada ay abaaruhu saameeyeen.
Sida laga soo xigtay UNOCHA, dadka deegaanka, maamulada iyo la-hawlgalayaasha bini'aadantinimada ayaa kor u qaadaya gargaarka iyo xoojinta gargaarka bini aadanimo, iyadoo lagu hagayo qorshaha wax ka qabashada abaaraha.
GAROWE ONLINE