Update: shirka ka socda Villa Somalia oo laysku mari la'yahay

Image

December 14, 2015 (GO)- Garowe Online ayaa ogaatey in ilaa iyo hadda laysku mari la'yahay kulan xarunta madaxtooyada Muqdisho (Villa Somalia) uga socda madaxda Dowladda Federaalka iyo madaxweyneyaasha dowladaha kale ee qaybta ka ah federaalka.

Qodobka doodda badan dhaliyey ee dhinacyada qaar diiddan yihiin ayaa ah in hannaanka 1/3 (saddex meelood hal meel) ee Qaramada Midoobey soo jeedisey lagu soo xulo xildhibaannada baarlammaanka cusub ee soo dooran doona madaxweynaha, marka la gaaro sanadka 2016.

Qorashahan waxaa si weyn u qaadacay madaxweyneyaasha Puntland, Jubaland iyo Koonfur Galbeed iyagoo ku andacooday in ay sharci darro tahay in qaab aan dastuuri ahayn loogu gudbo doorashada 2016, maadaama habka 1/3 uusan ku jirin dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya.

1/3 waxaa loola jeedaa in xildhibaannada baarlammaanka cusub, saddex meeloood marka loo qaybiyo hal meel oo u dhiganta 92xildhibaan, ka yimaadaan degmooyinkii jirey xilligii burburka kahor, 183da xildhibaan ee harayna lagu soo xulo habka 4.5, taas oo wadarta guud ka dhigeysa 275 xildhibaan.

Dhanka kale, waxaa warbaahinta lagu soo wargeliyey in maalinta berri ah uu qabsoomi doono shirweynaha lagu shaacin doono natiijada kasoo baxday kulammadii muddada asbuuca ka badan madaxda Soomaalida uga soconayey Muqdisho ee looga arrinsanayey habka ay ku dhici doonto doorashada 2016.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta loo shaaciyey xilliga la shaacin doono natiijada, maadaama weli madaxdu heshiis rasmi ah oo arrintaas khuseeya wada gaarin.

Faah faahin dheeri ah oo ku saabsan kulanka ka socda Villa Somalia dib ayaan idiinka soo gudibin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM