Ururka Ahlusunna oo DF ku eedeeyey colaadda ka aloosan Galguduud

Image

February 28, 2015 (GO)- Ururka Ahlu Sunna oo ka arrimiya qaybo kamid ah gobollada dhexe ee dalka ayaa eedeyn kulul u jeediyey dowladda Federaalka Soomaaliya.

Af-hayeen u hadlay ururkaas oo lagu magacaabo Sheekh Cabdullaahi Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Dowladda Federaalku mas'uul ka tahay dagaallada khasaaraha badan dhaliyey ee bilihii u dambeeyey Ahlu Sunna iyo ciidamada dowladda ku dhex marayey deegaano ka tirsan gobolka Galguduud.

Af-hayeenku wuxuu intaas ku daray in Dowladda Federaalku dagaalkii ay kula jirtey Al-shabaab usoo weecisey dhanka Ahlu Sunna, waa sida uu hadalka u dhigaye.

"xamaasadda qaar ka mid ah madaxda dowladda Soomaaliya u hayaan la dagaalanka Ahlusunna uma hayaan Al-shabaab...Madaxda dowladdu haddii ay u arkaan Al-shabaab walaalo fududaaday anagu waxaan u aragnaa inay yihiin cadow" ayuu yiri.

Mileeshiyaadka Ahlu Sunna iyo ciidamada dowladda ayaa todobaadyadii u dambeeyey dhowr mar ku dagaalamay degmada Guriceel ee gobolka Galguduud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM