Ururka Ahlusunna oo DF ku eedeeyey colaadda ka aloosan Galguduud

Image

February 28, 2015 (GO)- Ururka Ahlu Sunna oo ka arrimiya qaybo kamid ah gobollada dhexe ee dalka ayaa eedeyn kulul u jeediyey dowladda Federaalka Soomaaliya.

Af-hayeen u hadlay ururkaas oo lagu magacaabo Sheekh Cabdullaahi Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Dowladda Federaalku mas'uul ka tahay dagaallada khasaaraha badan dhaliyey ee bilihii u dambeeyey Ahlu Sunna iyo ciidamada dowladda ku dhex marayey deegaano ka tirsan gobolka Galguduud.

Af-hayeenku wuxuu intaas ku daray in Dowladda Federaalku dagaalkii ay kula jirtey Al-shabaab usoo weecisey dhanka Ahlu Sunna, waa sida uu hadalka u dhigaye.

"xamaasadda qaar ka mid ah madaxda dowladda Soomaaliya u hayaan la dagaalanka Ahlusunna uma hayaan Al-shabaab...Madaxda dowladdu haddii ay u arkaan Al-shabaab walaalo fududaaday anagu waxaan u aragnaa inay yihiin cadow" ayuu yiri.

Mileeshiyaadka Ahlu Sunna iyo ciidamada dowladda ayaa todobaadyadii u dambeeyey dhowr mar ku dagaalamay degmada Guriceel ee gobolka Galguduud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Warbixin: Nidaamka E-Visa-da Soomaaliya oo Weli La Tacaalaya Daldaloolo Amni

Falcelinno ka yimid hay’adaha caalamiga ah ee ilaaliya xogta ayaa ku tilmaamay tallaabada…

  • Soomaliya

    19-12-2025

  • 11:45AM

Nidaamka E-Visa ee Soomaaliya oo Amnigiisa sugnayn, Xogta Dad badan oo Khatar Ku Jirta

Toddobaadkan, Al Jazeera ayaa ku guuleysatay inay ku celiso nuglaanshaha uu tilmaamay isha xogta bixisay.

  • Soomaliya

    19-12-2025

  • 11:26AM