USA oo liiska argagixisada ku dartey hoggaamiyaha cusub ee Al-shabaab

Image

April 21, 2015 (GO)- Dowladda Maraykanka ayaa liiska argagixisada ku dartey hooggaamiyaha cusub ee Al-shabaab Axmed Diiriye (Abu Cubeyda) iyo sarkaal kale oo la rumeysan yahay inuu ku-xigeen u yahay oo isna lagu magacaabo Cabdiraxiim Maxamed Warsame kuna magac dheer Mahad Karatee.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda gaashaaan-dhigga Maraykanka ayaa lagu sheegay in sidoo kale abadaas nin lagu soo rogey xayiraad dhanka safarka ah hantidoodana la xanibey.

Dowladda Maraykanka ayaa sanadkii 2008 Al-shabaab ku dartey liiska ururrada argagixisada.

September 1, 2014 duqeyn diyaaradaha bilaa duuliyaha ah ee Maraykanku ka geysteen deegaanka Haawaay oo ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose, waxaa lagu diley hoggaamiyihii hore ee Al-shabab Axmed Cabdi Godane.

GAROWE ONLINE

Related Articles

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM

Maxay Xasan Sheekh iyo Abiy Ahmed uga wada-hadleen Kulankoodii Addis Ababa?

Markii uu Madaxweynaha Soomaaliya ka soo dagay Garoonka Caalamiga ah ee Bole, waxaa soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 09:02AM