USA: shirkadaha xawaaladaha Soomaalida oo berri dib loo furayo

Image

February 28, 2015 (GO)- Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa inay dib u shaqo bilaabaan shirkadaha xawaaladaha Soomaalida ee ka hawlgala dalka Maraykanka.

Cabdicasiis Sugule oo ah guddoomiyaha urur ay ku bahoobeen xawaaladuhu oo la yiraahdo SAMSA ayaa sheegay in si rasmi ah berri shaqadu furmi doonto.

Bankiga Merchants oo ah midka ugu weyn ee xawaaladaha Soomaalidu lacagaha dhigtaan ayaa bishan horraanteedii shaaciyey inuu xiri doono dhammaan akoonada shirkada ka shaqeeya dirista lacagaha.

Go'aanka Merchants wuxuu salka ku hayey walaaca laga qabo in lacagaha Soomaaliya loo dirayaa ku dhacaan gacmo khaldan loona adeegsado taageerista kooxaha xagjirka ah gaar ahaan ururka Al-shabaab.

Malaayiin doollar ayaa bil kasta Soomaaliya dibadaha looga soo diraa, lacagtaasoo badankeedu ka timaadda dalalka Yurub iyo Maraykanka waxay qeyb weyn ka qaadataa koboca dhaqaalaha maxalliga ah.

Tobannaan kun oo qoys oo Soomaali ah ayaa si toos ah ugu tiirsan taageerada dhaqaale ee ay ka helaan eheladooda ku nool qurbaha, waxaana joojinta shaqada xawaaladaha Soomaalidu ciriiri gelisey nolosha dad badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM