Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Image

MUQDISHO — Villa Somalia ayaa heshiis siyaasadeed la gaartay garab ka mid ah Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, tallaabadan oo si weyn u muujisay kala qaybsanaanta mucaaradka, ayaa kusoo beegmaysa xilli la guda galay dadaallo lagu mideynayo hannaanka doorasho ee dalka.

Heshiiska oo ay si wadajir ah u shaaciyeen dowladda iyo xubno ka tirsan madasha, ayaa lagu sheegay in lagu xoojinayo midnimada qaranka, la dardargelinayo dowlad-dhis la isku raacsan yahay, isla markaana la mideynayo howlgallada lagula dagaallamayo Al-Shabaab.

Qodobbada heshiiska waxaa ka mid ah in Madaxweynaha Federaalka uu si toos ah uga imaan doono Baarlamaanka Federaalka, iyadoo madaxda dowlad-goboleedyada ay dooranayaan xubnaha golayaashooda. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa yeelan doona awoodda magacaabista Ra’iisul Wasaaraha, halka Golaha Shacabka uu ansixin karo ama kalsooni kala laaban karo.

Waxaa lagu heshiiyay in xisbiga siyaasadeed kasta oo helo ugu yaraan 10% kuraasta Baarlamaanka Federaalka loo aqoonsado xisbi qaran, taas oo u suurtagelin karta ka qeybgal buuxa oo siyaasadeed.

Doorashooyinka dalka ayaa lagu saleeyn doonaa xeerka doorashooyinka ee 2024, iyadoo la qorsheynayo in si degdeg ah loo bilaabo qabashada doorashooyinka heer degmo, dowlad-goboleed iyo federaal. Waxa kale oo la isla gartay in la dhameystiro dastuurka dalka si loo xoojiyo sharciyadda nidaamka dowladda.

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta, iyada oo garabyo mucaarad ah ay diideen is-afgaradka cusub, halka kuwa kalena ay taageereen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM