Villa Soomaaliya oo fahfaahisay wadahadalka Xasan Sheekh iyo Erdogan

Image
Labada Madaxweyne ayaa mar kale adkeeyey istarataatiijiyadda iskaashiga labada dal.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa telefoon kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdoğan.

Wadahadalkooda ayaa xoogga saaray xiriirka dhow ee labada dal, muhiimadda ay leedahay nabadgelyada iyo xasilloonida gobolka.

Labada Madaxweyne ayaa mar kale adkeeyey istarataatiijiyadda iskaashiga labada dal, gaar ahaan iskaashiga difaaca iyo horumarinta dhaqaalaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoosta ka xariiqay doorka Turkiga ee dhiirrigelinta wadahadallada nabadeed ee lagu xallinayo caqabadaha horyaalla gobolka.

Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa xusay in Soomaaliya ay soo dhawanayso dadaallada Turkiga ee waanwaanta iyo wada-xaajoodka ay garwadeenka ka yihiin ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, isaga oo adkeeyay in iskaashi kasta uu ixtiraamo madaxbannaanida, midnimada, iyo xuduudaha qaranka Soomaaliya, iyadoo la raacayo sharciga iyo nidaamka caalamiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Qatar oo Xoojiyay Xiriirka Difaaca Kadib Khilaafka Imaaraadka

SONNA ayaa sheegtay in heshiiskan uu diiradda saarayo xoojinta iskaashiga difaac, horumarinta hannaanada isku-dubaridka amniga.

  • Soomaliya

    20-01-2026

  • 05:07AM

Xildhibaano Soomaaliyeed oo laga qaadey xayiraad ka saarnayd EALA

Sidoo kale, dhaliilaha ayaa tilmaamay in Baarlamaanka Federaalka uu ka booday xeerarka magacaabista.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 02:41PM