Villa Soomaaliya oo ku hungowdey damaceeda shirka maamulada

Image
Wararka Garowe Online helayo ayaa waxay sheegayaan in kulanka uu maanta galinka hore soo dhamaanayo.

MUQDISHO, Soomaaliya - Garowe Online ayaa fahansan in wafdiga madaxwayne Hassan Sheikh Mohamud ee ka qeybgalaya caleema-saarka hogaamiyaha la doortey ee Kenya William Samoei Ruto uu ka kooban yahay 25 xubnood oo ay ku jiraan wasiiro, xildhibaano, mas'uuliyiin kale oo kamid ah dowladda federaalka iyo ilaaladda gaarka ah.

Munaasabada dhaarinta ayaa Nairobi ka dhacaysa 13-ka bishan September.

Dhanka kale, Shirkii madaxda maamulada iyo dowlada Federaalka u dhexeeyey ayaa weli ka socda Muqdisho iyadoo wararka GO helayo sheegayaan in maanta galinka hore soo dhamaanayo.

Kulankaan ayaa, sida xogto sheegeyso, aan lagu furin qodobo badan maadaama waqtigu kooban yahay.

Madaxda maamulada qaarkood ayaa qaba in waqti kale la isugu yimaado kulankaan maadaama madaxweynaha Puntland maqan yahay, halka madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud uusan waqti badan haysan oo uu dalka Kenya u dhoofayo maalinta berri ah Sept.12.

Villa Somalia ayaa u hamuun qabtey in ay hesho sawir muujinaya madaxda maamulada iyo Madaxweynaha Soomaaliya oo wada fadhiya inta ka horeysa safarka Xasan Sheekh ku tagayo dalka Mareykanka gaar ahaan magaalooyinka Washington iyo New York.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM