Villa Soomaaliya oo qoraal kasoo saartey shirkii IGAD ee Jabuuti

Image
Dhawaqan ayaa yimid markii ay soo baxeen xogo ku gadaaman qorshe cusub oo ay Madaxtooyadda bilowday.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa soo saartey qoraal shan qodob ah kaasoo ku saabsan shir madaxeedkii ay hogaamiyeyaasha dalalka IGAD ku yeesheen dalka Jabuuti.

Qoraalkan ayaa waxa uu ka dambeeyay ka gadaal markii ay soo baxeen warar ku saabsan in shirkaas ay Dowladda Soomaaliya ku fashilantey isku-day ay ku dooneysay inay ku hesho ku xigeenka xoghayaha ururka.

Warbixinadda ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu u bixiyey $500,000 oo ah qaaraankan ururkan markii ugu horeysay tan iyo sanadkii 1988-dii.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

In Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee IGAD uu noqdo Soomaali ay soo magacawdo Dowladda Federaalka Soomaaliya, halka muddo 4 sano ahna xilka loo kordhiyey Mudane Workneh Gebeyehu oo ah Xoghayaha haatan ee IGAD.

In dib u habeyn lagu sameeyo hannaanka maamul ee dallada IGAD, iyadoo si siman ay u shir guddoomin doonaan sannad kasta mid ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah.

Madaxda IGAD ayaa bogaadiyay guulaha laga soo hooyay dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab, iyagoo sidoo kalena ku baaqay in Soomaaliya laga qaado cuna-qabataynta hubka, taas oo caqabad ku ah dagaalka Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ay kula jiraan argagixisada Al-Shabaab.

Madaxda ayaa Beesha Caalamka ugu baaqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeedba lagu siiyo meelmarinta go'aammadii ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka ee Soomaaliya.

IGAD ayaa dhinacyada dagaalka Laascaanood ugu baaqday in si degdeg ah loo joojiyo dirirta, iyo in wadahadal lagu xalliyo kala aragti duwanaanshaha jira.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM