Villa Soomaaliya oo si dadban uga jawaabtay eedeymo hareeyay safarka Madaxweynaha

Image

MUQDISHO, ( GO) - Madaxtooyada Soomaaliya ayaa isku taxluujinaysa in jihada kale u weeciso daadad eedeymo ah iyo buuq siyaasadeed oo hareeyay safarka madaxweynaha ee Maraykanka.

Madaxweynaha ayaa lagu eedeeyay in weftigiisa uu ka dhigay afar qof oo ay isku heeb iyo isku xisbi yihiin oo aanan haynin xilalkii ku haboonaa shaqada laga hayo Bew York iyo Washington.

Si taasi looga jawaabo, waxaa shalay Muqdisho ka duulay wasiirka Arrimaha dibedda Abshir Huruuse, oo weftiga madaxweynaha dib kaga biiraya.

Sidoo kale waxay Villada faafisay muuqaal uu  hadlayo agaasimaha Madaxtooyada Xuseen Sheekh Maxamuud oo weftiga qeyb ka ah.

Dhinaca kale waxa ay madaxtooyada xakamaysay sawirrada iyo muuqaalada ku saabsan kulamada, iyada oo safka hore la keenay wasiiro hore oo uu ka midyahay Xuseen Cabdi Xalane oo ahaa wasiirkii maaliyadda oo isaga iskiis isaga joogay Maraykanka.

Waxa kale oo bogga rasmiga ah ee Villada laga saaray sawir ay ka muuqdaan xubnaha weftiga madaxweynaha ee heerkoodu hooseeyo.

Balse talaabo kasta oo ay qaaddo madaxtooyada, waa mid isha lagu hayo islamarkaana ka sii daraysa hadii xaalku sidaan ku sii socdo kuwaas oo ay ka falcelinayaan Baraha Bulshada iyo warbaahinta madaxa banaan.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Somaliland oo Ka Hadashay Dalabka Xasan Sheekh u gudbiyay Mareykanka ee Dekadda Berbera

Dowladda Soomaaliya ayaa weli si xoogan uga soo horjeedda in Somaliland loo aqoonsado sidii waddan madax-bannaan.

  • Soomaliya

    29-03-2025

  • 02:05PM

Maxay ahayd warqadda Xasan Sheekh u qoray Trump?

Waxaa uu codsaday in Madaxweynaha Trump uu u soo diro wafdi Muqdisho “wakhti ku habboon labada dal” si loogu sii wadahadlo dalabka.

  • Soomaliya

    29-03-2025

  • 09:48AM