Villa Soomaaliya oo si dadban uga jawaabtay eedeymo hareeyay safarka Madaxweynaha

Image

MUQDISHO, ( GO) - Madaxtooyada Soomaaliya ayaa isku taxluujinaysa in jihada kale u weeciso daadad eedeymo ah iyo buuq siyaasadeed oo hareeyay safarka madaxweynaha ee Maraykanka.

Madaxweynaha ayaa lagu eedeeyay in weftigiisa uu ka dhigay afar qof oo ay isku heeb iyo isku xisbi yihiin oo aanan haynin xilalkii ku haboonaa shaqada laga hayo Bew York iyo Washington.

Si taasi looga jawaabo, waxaa shalay Muqdisho ka duulay wasiirka Arrimaha dibedda Abshir Huruuse, oo weftiga madaxweynaha dib kaga biiraya.

Sidoo kale waxay Villada faafisay muuqaal uu  hadlayo agaasimaha Madaxtooyada Xuseen Sheekh Maxamuud oo weftiga qeyb ka ah.

Dhinaca kale waxa ay madaxtooyada xakamaysay sawirrada iyo muuqaalada ku saabsan kulamada, iyada oo safka hore la keenay wasiiro hore oo uu ka midyahay Xuseen Cabdi Xalane oo ahaa wasiirkii maaliyadda oo isaga iskiis isaga joogay Maraykanka.

Waxa kale oo bogga rasmiga ah ee Villada laga saaray sawir ay ka muuqdaan xubnaha weftiga madaxweynaha ee heerkoodu hooseeyo.

Balse talaabo kasta oo ay qaaddo madaxtooyada, waa mid isha lagu hayo islamarkaana ka sii daraysa hadii xaalku sidaan ku sii socdo kuwaas oo ay ka falcelinayaan Baraha Bulshada iyo warbaahinta madaxa banaan.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM