Waa kuma siyaasiga lafta dhuunta gashay ku noqday Lafta-Gareen?

Image
Taliye ciidan iyo guddoomiye gobol ayuu soo noqdey kahor inta aan xilka looga qaadey kala aragti-duwanaansho siyaasadeed.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Magaciisu waa Shiine Macalin Nuuroow, waxa uu ku sugan yahay magaalada Baydhabo isaga oo haysta ciidan, kana soo horjeedda maamulka madaxweyne Cabdicasiis Lafta-Gareen, islamarkaasna jeediya hadalo lid ku ah madaxweynaha.

Waxa uu horey u ahaan jirey taliyaha ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed xilligii madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan, kadibna waxa uu noqday guddoomiyaha gobolka Bakool, xilkaasi oo uu u magacaabay madaxweyne Lafta-Gareen, balse uu ka qaaday xilka kadib markii ay siyaasadda ku kala aragti duwanaadeen.

Mar uu dhowaan hadlay Shiine oo Baydhabo ku sugan ayuu sheegay in madaxweyne Lafta-Gareen ay u dhiman tahay muddo 30 maalmood ah, kadibna uu filayo in la qabto doorasho madaxweynenimo.

Wuxuu hadalkan jeediyay Shiine xilli siyaasiyiinta kale ee Koonfur Galbeed ee ka aragti duwan Lafta-Gareen aysan tagi karin magaalda Baydhabo.

Hadda waxaa jira dedaalo cusub oo lagu dhexdhexaadinayo Lafta-Gareen iyo siyaasiyiinta kasoo horjeedda, waxaana hormuud ka ah hawshaasi guddoomiye Aadan Madoobe.

Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa laga soo saaray war saxaafadeed lagu taageerayo baaq uu dhowaan soo saaray guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ahaa in la qabto shir dib u heshiisiin siyaasadeed.

Warar hoose ayaa sheegaya in Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen uu isaga Guddoomiye Madoobe ka codsaday in uu gogosha fidiyo maadaama ay isku hayb yihiin Shiine Macalin Nuuroow, yahayna oday ay u qabsoomi karaan inta badan siyaasiyiinta Koonfur Galbeed.

Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa muddo xilleedka madaxweynaha ka dhigay shan sano, halkii markii hore ay ka ahayd afar sano oo ku eg 19-ka bishan Diseembar, 2022.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa iyadu dhankeeda dhammaan dowlad goboleedyada u ogolaatay in muddo xilleedkooda ay ka dhigaan 5 sano, waxaana talaabadaas horey u qaaday Jubbaland, Hirshabeelle iyo Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM