Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Image

MUQDISHU- Sida warsidaha Garowe Online horey u shaaciyey waxaa madasha mucaaradka ka baxay koox siyaasiyiin ah oo horey heshiis ula galay madaxda sare ee ka arimasa Villa Somalia.

Siyaasiyiinta mucaaradka ahaa ee ka baxay madasha ayaa wararku sheegayaan iney kala yihiin; Ra’iisul Wasaare hore Cumar Cabdirashiid, Madaxweyne hore Koonfur Galbeed Shariif Xasan, Guddoomiye hore ee Aqalka Wakiillada Dowladda Federaalka Maxamed Mursal iyo Wasiir hore Daahir Geelle, kuwaas oo qaatey siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saabsan doorashada qof iyo cod oo laysku khilaafsan yahay.

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu sheegay in dib loo furey diiwaangelinta xisbiyada, iyadoo wararka Garowe Online helayo sheegayaan in Villa Somalia fursad u siineyso xubnahan inay diiwaan gashadaan xisbi ay si wadajir ah u leeyihiin.

Tallaabadan ayaa ka dhigeysa in xubnahan qaateen siyaasadda laysku khilaafsan yahay ee doorashooyinka qof iyo cod ah, taas oo Villa Somalia si xooggan u riixeyso.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa dhawaan hadal uu ka jeedinayey magaalada Dhuusamareeb, xarunta Galmudug, ku sheegay in mucaaradku kala qaybsameen isla markaana uusan dib dambe ula kulmeyn.

Mucaaradka dhinaca kale ku harey ayaa waxaa kamid ah Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif, Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Khayre, Ra’iisal Wasaare hore Xuseen Rooble iyo siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur — kuwaas oo dhowaan si toos ah weerar afka ah ugu qaaday Axmed Fiqi oo ah Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ugu hanjabay inuu weerarayo mucaaradka.

Xeeldheerayaasha ayaa sheegaya in siyaasiyiinta aan ku biirin Villa Somalia marka la eego awoodda qaybinta 4.5, intooda badan isku qayb yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh, taas oo khatar ku ah barnaamijka Villa Somalia.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Sheekh Shariif oo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara tallaabo militari oo lagu qaado mucaaradka

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale diiddan in doorashooyinka dalka loo wajaho hannaan aysan dhammaan dhinacyada siyaasadeed isku raacsanayn.

  • Soomaliya

    11-10-2026

  • 08:32PM

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM