Waa tuma haweenayda xisbiga mayalka adag Talyaaniga ee guuleysatay?

Image

LONDON, (GO) - Mar kaliya ayay indhaha caalamka ku jeedsadeen dalka Talyaaniga kadib markii ay soo baxday natiijada doorashooyin dalkaasi ka dhacay, iyada oo tirada ugu badan ee codadka uu heley xisbi midigta fog ah oo haysta aragtiyadii hoggaamiyihii faashiistaha ee Musolini.

Waxay noqonaysaa markii ugu horeysay taariikhda tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka ee xisbiyada aragtiyada fog wata ay hormuud ka noqdaan dalka Talyaaniga.

Haddaba xisbigani waxaa hoggaamiye u ah haweenay 45 jir ah oo lagu magacaabo Georgina Meloni, taas oo aad loogu badanayo in ay noqon doonto ra’isulwasaaraha dalkaasi haddii xisbigeeda Walaalaha Talyaaniga ama Ikhwaanka Talyaaniga uu helo isbahaysi ku filan oo uu kusoo dhiso dowlad bahwadaag ah.

Waxaa lagu wadaa in ay hesho 26% codadka la dhiibtay, waxayna sheegtay in aysan faquuqi doonin cidna, islamarkaasna ixtiraami doonto Midoowga Yurub oo ay horey uga sheegtay haddalo badan oo xanaf leh.

Waxaa isbahaysiga kula jira Xisbiga Forza Italiya ee uu hoggaamiyo ra’isulwasaarihii hore Sailvio Berlusconi iyo kan League ee uu hormuudka kayahay ninka mayalka adage e Matteo Salvini.

Haddii la isku daro codadka ay heleen waxa ay awoodaan in ay helaan aqlabiyadda labada aqal ee baarlamaanka dalkaasi.

Qofka noqonaya ra’isulwasaaraha waxaa go’aaminaya madaxweynahadalkaasiSergio Mattarella, taasi oo muddo todobaadyo ah qaadan doonta.

Welwelka hadda haysta reer Yurub ayaa ah in ninka isbahaysiga kula jira haweenaydani oo ah Berlusconi uu aad ugu dhowyahay hoggaamiyaha Ruushka Vladamir Putin, sidoo kale Mr Salvini ayaa mar su’aal galiyay cunaqabataynta reer galbeedka ay saareen Ruushka

Hadda waxa ay reer Yurub ka rabaan Talyaaniga in uu sii xoojiyo cunaqabataynta Ruushka lagu hayo, taas oo uu hadda Talyaaniga ku qasbanyahay maadaamaa uu lacago badan oo taageero ah ka helo Midoowga Yurub.

Waxaase guusha gabadhani durbadiiba hambalyeeyay dhammaan xisbiyada xagjirka ah ee reer Yurub.

Waxyaabaha ugu waaweyn ee Mrs Meloni ay ku ololeysay ayaa waxaa ka mid ah in la is hortaago dadka muhaajiriinta ah, sidoo kalena ay wax ka qabanayso dhaqaalaha.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Somaliland Oo Beenisay In Aqoonsi Ku bedelanayso qaabilaadda Falastiiniyiinta

Waxay xiriir aan rasmi ahayn la leedahay dhowr dal, laakiin weli ma aysan helin aqoonsi rasmi ah oo ka dhigan dawlad madax-bannaan.

  • Soomaliya

    22-03-2025

  • 05:44AM

Iska Horimaad Culus oo Ka Dhacay Xaawo Cabdi iyo Lafoole, Duleedka Muqdisho

Kooxda Al-Shabaab ayaa weerartay goobaha ku dhow caasimadda todobaadkan, oo Ceelasha iyo Xaawo Cabdi ay kamid yihiin.

  • Soomaliya

    20-03-2025

  • 08:22PM