Waare oo ammaanay youtube-layda, dhalliilayna culimadda

Image
Dhanka kale, Waare oo ka hadlay arrimaha ka taagan gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Al-Shabaab ay bilaabeen in ay isku diraan beelaha.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo wareysi siiyay wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA ayaa ka hadlay kaalinta qeybaha kala duwan ee bulshada ku leeyihiin dagaalka ka dhanka ah Alshabaab ayaa ammaanay dhallinyarada ka hadasha aaladda Youtube-ka.

Waare ayaa sheegay in markii hore bulshada Soomaalida ay dhalliili jireen dhallinyaradan, balse hadda uu sheegay in ay qaateen doorkii wacyigalinta ee bulshada iyo sidii dadka looga digi lahaa fikirka guracan ee Alshabaab.

Balse waxa uu weeraray culumada oo uu sheegay in ay weli ku jiraan af gobaadsi iyo gaabsasho marka laga reebo dhawr culumo oo uu magacooda sheegay, kuwaas oo si buuxda uga hor yimid fikirka Alshabaab.

Dhanka kale, Waare oo ka hadlay arrimaha ka taagan gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Al-Shabaab ay bilaabeen in ay isku diraan beelaha, dagaalkii shacabkana u yeelaan weji kale.

Waxa uu dowladda kula taliyay in ay la timaado qorshe cad oo ah in deegaanada kala duwan lagu wajoho istaraatiijiyado kala duwan maadaamaa ay kala duruufo yihiin. Waare ayaa sheegay in beelaha qaar aysan hubeysnayd sida beeralayda, kuwa kalena laga qabsaday dhammaan dadkii waxgalka ahaa, loona sameeyay hoggaan dhaqan oo Alshabaab hoos taga.

Waare oo mar madaxweyne kasoo noqday Hirshabeelle ayaa sheegay in uu hubo in Alshabaab waqtigoodii uu soo afjarmay, balse uusan ogeyn xilliga ay qaadanayso in gebi ahaanba la cirib tiro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM