Waare oo looga digay in uu maamulka doorashada ku wareejiyo DF

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa madaxweynaha HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare, kaga digay in uu maamulka doorashada ku wareejiyo dowladda federaalka.

Hogaamiyaha xisbiga Wadajir, oo saxaafada kula hadlay Muqdisho, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in lagu quus-qaato "talaabooyinka foosha xun ee xukuumaddu ka sameysay Koonfur Galbeed iyo Galmudug".

"Madaxweyne Waare waxaan ka rabnaa in uu hadda magacaabo guddiga doorashadda si berri aan loo dhihin waxaa talada lagu wareejiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha [federaalka] sababtoo ah waanu aragnay fool-xumadeeda," ayuu caddeeyay wasiirkii hore ee Qorsheynta.

Bishii hore Janaayo 23-keeda, 2020, madaxweyne Waare ayaa shaaciyey in soo xulista baarlamaanka HirShabelle ay bilaaban doonto September si ay madaxweyne u doortaan bisha October, 2020.

Dhanka kale, madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayuu ku eedeeyay in uu ku fashilmay fulinta qodobadii uu ku balanqaadey ololaha doorashada.

Qodobkaas ayaa ku saabsanaa dhinacyadda; ammaanka, dagaalka Al-Shabaab, siyaasadda, qabyo-tirka dastuurka, wadahadalka Somaliland, arrimaha dibadda iyo ciidamadda.

Warsame ayaa soo dhaweeyay "Shirka Aaya ka tashiga" ee uu ku dhawaaqay madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi.

Maamulada dalka ka jira ayuu hoosta ka xariiqay in ay isku mid u yihiin, balse kuwa ay dhistay Nabad iyo Nolol "kula xisaabtami doonan wax-qabadkooda iyo sida ay u xaliyaan tabashada".

"Shaqsi ahaan uma nicbanin, balse waxaan kasoo horjeednaa qaabka ay kusoo baxeen, waxaana kula xisaabtami doonaa waxay qabteen," ayuu carabka ku adkeeyay.

Ugu dambeyntii, wuxuu Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Muqdisho ayuu ku booriyey in ay "isku tashaqadaan, maadaama dowladda jirta ku fashilantay dhamaan balanqaadyadii ay sameysay".

MUUQAALKA WARSAME

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM