Wadaad caan ahaa oo xalay Baydhabo lagu diley

Image

January 18, 2015 (GO)- Rag hubeysan ayaa xalay toogasho ku diley wadaad caan ka ahaa degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Wadaadkaas oo lagu magacaabi jirey Shariif Siidkey wuxuu ahaa guddoomiyaha dallada culimada Ahlusunna ee degmada Baydhabo.

Shiikhaan AHN ayaa ka qayb qaatey nabadeynta degaanada Bay Bakool isaga oo madax ka ahaa xafiis ka shaqeeya xalinta khilaafaadka bulshada dhexdaada ah islamarkaana ka shaqeyn jirey fidinta diinta.

Labo nin oo baskoolado ku hubeysnaa ayaa lagu soo waramayaa inay sheekha toogteen fiidnimadii xalay mar uu ka soo baxay masjid gurigiisa ku dhow oo salaadii cishaha uu kusoo tukadey.

Ciidamada ammaanka maamulka Koonfur Galbeed oo daqiiqado kadib goobta soo gaarey ayaa xiray dhowr qof oo looga shekiyey inay dilka wax ka ogaayeen.

Dhank kale, ciidamada ayaa saaka hawlgal ka sameeyey qaar kamid ah xaafadaha Baydhabo iyagoo qabqabtay tobanaan qof oo dhallinyaro u badan.

Taliska booliska gobolka Bay ayaa sheegay in dadka la xirxiray baaritaan lagu sameyn doono ciddii dembi lagu waayana dib xoriyadeeda loogu soo celinayo.

Dilka Sheekh Shariif Siidkey ayaa imaanaya labo maalmood kadib markii isla degmada Baydhabo lagu toogtey macallin qur'aanka ka dhigayey mid kamid ah malcaamadaha Baydhabo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka oo Joojiyay Taageeradii Amni uu siin jiray dowladda Soomaaliya 

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada Imaaraadku ay inta badan ku koobnayd dhinaca ciidamada iyo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    17-02-2026

  • 08:54AM

Cirro: “Somaliland Waa Albaabka Mareykanku u Mari Karo La-dagaallanka Shiinaha iyo Argagixisada”

Dhanka kale, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay hodan ku tahay kheyraad macdan oo muhiim ah.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 04:22PM