Wadaad caan ahaa oo xalay Baydhabo lagu diley

Image

January 18, 2015 (GO)- Rag hubeysan ayaa xalay toogasho ku diley wadaad caan ka ahaa degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Wadaadkaas oo lagu magacaabi jirey Shariif Siidkey wuxuu ahaa guddoomiyaha dallada culimada Ahlusunna ee degmada Baydhabo.

Shiikhaan AHN ayaa ka qayb qaatey nabadeynta degaanada Bay Bakool isaga oo madax ka ahaa xafiis ka shaqeeya xalinta khilaafaadka bulshada dhexdaada ah islamarkaana ka shaqeyn jirey fidinta diinta.

Labo nin oo baskoolado ku hubeysnaa ayaa lagu soo waramayaa inay sheekha toogteen fiidnimadii xalay mar uu ka soo baxay masjid gurigiisa ku dhow oo salaadii cishaha uu kusoo tukadey.

Ciidamada ammaanka maamulka Koonfur Galbeed oo daqiiqado kadib goobta soo gaarey ayaa xiray dhowr qof oo looga shekiyey inay dilka wax ka ogaayeen.

Dhank kale, ciidamada ayaa saaka hawlgal ka sameeyey qaar kamid ah xaafadaha Baydhabo iyagoo qabqabtay tobanaan qof oo dhallinyaro u badan.

Taliska booliska gobolka Bay ayaa sheegay in dadka la xirxiray baaritaan lagu sameyn doono ciddii dembi lagu waayana dib xoriyadeeda loogu soo celinayo.

Dilka Sheekh Shariif Siidkey ayaa imaanaya labo maalmood kadib markii isla degmada Baydhabo lagu toogtey macallin qur'aanka ka dhigayey mid kamid ah malcaamadaha Baydhabo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo qabatay shir ka dhan ah hubka sharci darrada ah

Shirka ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray dhaqan-gelinta qaraarro ay horay usoo saareen Golaha Wasiirrada.

  • Soomaliya

    22-09-2024

  • 12:12PM

Xamse oo wafdi ballaaran u kaxeystay shirka loo dhan-yahay ee UN-ka

“Cidna yaan laga tagin” waa hal-ku-dhegga sanadkan ee shirweynaha guud ee Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    22-09-2024

  • 10:03AM