Wadaad xalay degmada Beledweyn lagu diley

Image

March 17, 2015 (GO)- Macallin dhigayey dugsi Qur'aan ayaa xalay lagu diley degmada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan.

Labo nin oo biskoolado ku hubeysnaa ayaa lagu soo warramayaa inay macallinkaas ku toogteen meel u dhow gurigiisa oo ku yaal xaafadda Xaawo Taako.

Kuwa dilka geystey ayaa durbadiiba goobta ka baxsaday, ilaa iyo haddana haybtooda lama aqoonsan.

Booliska ayaa goor hore oo saaka ah yimid aagga xalay uu dilku ka dhacay, waxayna sameeyeen baaritaan muddo kooban socdey.

Boolisku waxay gacanta ku dhigeen dhowr qof oo laga shekiyey, kuwaasoo xilligan baaritaan lagu wado.

Bishii hore ee February ayey ahayd markii degmada Hawlwadaag ee magaalada Beledweyn lagu diley ganacsade caan ahaa oo lagu magacaabi jirey Xaaji Quurow.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM