Wadada loo marayo xalka Colaada Tukaraq oo la shaaciyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxmuud oo mar kale la hadlay colaada ka taagan Tukaraq, ayaa soo bandhigay Shan qodob oo bud-dhig unoqon kara qaboojin colaada ka aloolsan deegaankaas.

Maamulada Puntland iyo Somaliland, ayaa isku haya deegaanka, waxaana mid walba oo iyaga kamid ah uu sheegayaa inuu isaga leeyahay awoodda maamul ee gobolka Sool, halkaasoo ay ka dhacayeen dagaalo u dhaxeeya labada dhinac tan iyo 2002.

Xasan Sheekh, ayaa wuxuu rumeysan yahay in hadii qodobadaan uu soo bandhigay loo dhaqan geliyo sida ay tahay ay xal waara u keeni karaan Colaada soo noqnoqatay ee ka taagan gobolka Sool.

Shanta qodob ee Xasan Sheekh kusoo koobey xalka Colaadda Sool ayaa kala ah:

1. Xabbad joojin degdeg ah iney ku dhawaaqaan oo ay NABADDA ku dhiirradaan.

2. In ciidamada ay kala qaadaan si fursad lagu wada hadlo u abuuranto.

3. Ka dibne la billaabo wada hadal dhexdooda ah oo ay hoggaaminayaan dhexdhexaadiyaal iyo fududeeyaal Soomaali ah oo ka dhaca TUKARRAQ lafteeda.

4. Waxaan si gaar ah farta ugu fiiqayaa isimada, culumaa’uddiinka iyo ganacsatada iney si gaar ah ugu istaagaan arrinka isna doontaan iyagu oo waxaan leeyahay magaciin ha jiro e berri NABADDA YAAN DIBADDA LAGA JIRIN.

5. Inta dadaalladu socdaan, dhinacyadu waa iney joojiyaan hadallada XANAFTA leh ee danqinayo boogihii hore laguna baddalo hadallo ka tarjumayo Soomaalinimada.

Hadalkan Xasan Sheekh ayaa imaanaya xilli madaxda Puntland iyo Somaliland ay waxba kama jiraan kasoo qaadeen baaq walba oo nabad ah, kaasoo uga yimid Beesha Caalamka, dowladda Federaalka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aanka Midowga Yurub ee xayiraadda Fiisaha ee la saarey Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo bixi waysay wadashaqeyntii ay ka rabeen.

  • Soomaliya

    26-06-2026

  • 06:27AM

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM