Wadahadalada Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmaya Ankara

Image
Madaxweynaha Turkiga ayaa madaxda labada dal la hadlay kahor wajiga labaad ee shirkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa Axaddii khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo ka wada hadlay xiisadda ka dhex aloosan Muqdisho iyo Addis Ababa.

Isagoo ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay iskaashiga Turkiga iyo Soomaaliya, Erdogan wuxuu sheegay in Ankara ay sii wadi doonto dadaallada lagu xallinayo xiisadaha u dhexeeya Muqdisho iyo Addis Ababa.

Waxa uu sidoo kale caddeeyay in natiijooyin wax ku ool ah oo ku aaddan sidii xiisadda loo qaboojin lahaa laga filayo wareegga labaad ee wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhici doona magaalada Ankara ee caasimadda Turkiga maalinta Isniinta ah.

"Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo sidoo kale horumarka gobolka iyo caalamka," ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee Madaxtooyadda Turkiga.

Arrintan ayaa timid ka dib markii mar hore oo Sabti ah ay talefoon ku wada hadleen Erdogan iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali, kaasoo sidoo kale ajandaha uu ka mid ahaa dib u heshiisiin.

Xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa sii xumaaday tan iyo markii Itoobiya ay heshiis la gashay maamulka gooni isu taagga ah ee Somaliland 1-dii Janaayo.

Turkiga ayaa dadaal ugu jiray sidii loo qaboojin lahaa xiisadda u dhaxeysa labada dal. Horaantii bishii Luulyo waxaa magaalada Ankara ka dhacay wareeggii ugu horreeyay ee wadahadallo toos ah oo u dhexeeya wasiirrada arrimaha dibadda Itoobiya iyo Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sarkaal Sare oo Boolis ah oo Ka Badbaaday Qarax Muqdisho Ka Dhacay

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay hay’adaha ammaanka Soomaaliya wadaan dadaallo ay ku xoojinayaan amniga caasimadda.

  • Soomaliya

    20-02-2026

  • 11:50AM

Dadaallo Lagu Raadinayo xalka Khilaafka Doorashooyinka oo ka billowday Muqdisho

Labada dhinac ayaa isku afgaray in berri dib loo isugu soo laabto si loo sii wado wadahadallada loona xalliyo qodobbada harsan.

  • Soomaliya

    19-02-2026

  • 02:10PM