Wadahadalada telefoonka Abiy iyo Farmaajo oo "loo dusay"

Image
Ra'iisul wasaaraha Itoobiya ayaa "warkan naxdinta leh" ku wargeliyey madaxweynaha waqtigu ka dhacay ee Soomaaliya.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Abiy Axmed, ayaa ku wargeliyey Farmaajo iyo wasaaradda arrimaha dibada Soomaaliya in loo dhacay wadahadaladooda dhanka telefoonka, sida uu ogaadey warsidaha Garowe Online.

Sida ay muujinayaan warbixinadda uu helay bogga GO, ra'iisul wasaaraha Itoobiya ayaa u sheegay madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey in talaabaddaas uu ka dambeeyo "dal Carbeed".

Illo wareedyada ayaa xaqiijiyey in wadahadalada telefoonka labada hogaamiye loo dusay iyadda oo la adeegsanayo app lagu magacaabo Pegasus Spyware oo ay farsameyso shirkadda reer Israel ee NSO Group.

"Abiy wuxuu muujiyey walaac qoto dheer oo ku saabsan sida loo helay macluumaadka ay labada hogaamiye isku dhaafsadeen aaladda WhatsApp," ayay sheegeen illaha la hadlay Garowe Online.

Labada hogaamiye ee dalalkan ku yaala Geeska qaaradda Afrika ee xasiloonida daradda - siyaasadeed iyo tan amni - ay hareeyeen waxay lahaayeen wadashaqeyn aad u dhowr shantii sano ee lasoo dhaafay.

Xafiisyada warfaafinta labadda hogaamiye ayaan wali si furan uga hadlin qadiyadan oo haddii lasoo bandhigo horseedi karta fadeexad aad u baaxad weyn. Isku-dayo xiriir oo lala sameeyay ayaan guuleysan.

Shir madaxeedka 35-aad ee Midowga Afrika ayay isku arkeen labadda hogaamiye kaasoo lagu qabtey caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, wallow aan madaxtooyadda Soomaaliya aysan soo bandhigin xogtan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Nairobi uga shiraya khilaafka doorashooyinka

Golaha ayaa la filayaa inuu ka arrinsado tallaabooyinka uu ka qaadayo qorshaha doorashooyinka ee dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 09:40AM