Wadahadalka DF iyo Somaliland oo maalintii saddexaad baaqdey

Image

March 1, 2015 (GO)- Wadahadalkii Dowladda Feeraalka iyo Somaliland uga furmi lahaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa maalintii saddexaad baaqdey kaddib markii labada dhinac arrimaha qaar isku mari waayeen.

Somaliland ayaa shardi ka dhigtey in ergada Dowladda Federaalka laga saaro xubno -sida Somaliland ku doodeyso- deegaan ahaan kasoo jeeda dhulkeeda, waxayna warqad cabasho ah u gudbiyeen mas'uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in shirku u dhexeeyo Somalia iyo Somaliland sidaas darteed ergada Somaliland shirka ka qaybgeli doonin ilaa iyo inta laga saarayo xubno u dhashay Somaliland, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhanka kale, ergada Dowladda Federaalka ayaa ku adkaysanaya inaan cidna laga saari doonin shirka iyagoo ku eedeeyey Somaliland inay dano gaar ah leedahay maadaama markii Soomaaliya la joogey loo gudbiyey liiska xubnaha meteleya Dowladda Federaalka iyo ajandeyaasha shirka ayna aqbaleen balse markii Istanbul la yimid ay dood hor leh bilaabeen.

Shirkan ayaa qorshuhu ahaa inuu furmo 28-da bishii hore ee February balse dib u dhac ayaa ku yimid. Ajandeyaasha lagu gorfeyn lahaa kulanka waxaa ku jira arrimo xasaasi oo ay ugu muhiimsan tahay sida laga yeelayo midnimada iyo qadiyadda gooni isu-taagga Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM