Wadahadalkii DF iyo Somaliland ee Istanbul oo burburey

Image

March 2, 2015 (GO)- Wadahadalkii Dowladda Feeraalka iyo Somaliland uga furmi lahaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa fashilmey kadib markii labada dhinac arrimaha qaar isku mari waayeen.

Somaliland ayaa shardi ka dhigtey in ergada Dowladda Federaalka laga saaro xubno -sida Somaliland ku doodeyso- deegaan ahaan kasoo jeeda dhulkeeda arrintaasoo wafdiga Dowladda Federaalku ka biyo diideen.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Ra'isal Wasaaraha Dowladda Federaalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke ayaa lagu xaqiijiyey in wadahadalkii ka dhici lahaa magaalada Istanbul uu burburey.

"Waxaa nasiib darra ah in wafdiga ka socda walaalaheen Somaliland oo ku sugan Istanbul, isla Hoteelka uu shirku ka dhici lahaa uu ku guul darreystay in uu soo fariisto madasha wadahadalka, isagaoo la soo baxay shuruurdo la xiriira dadka dhinaca Soomaaliya matali kara. Labada dhinac oo wada hadlaya midkoodna xaq uma laha in uu midka kale u yeeriyo cidda ay tahay in ay matasho" War-saxaafadeedka ayaa sidaas lagu yiri.

Waxaa sidoo kale qoraalka kasoo baxay xafiiska Ra'isal Wasaraaha Soomaaliya lagu sheegay in Somaliland qaadeyso mas'uuliyadda qabsoomid la'aanta kulanka.

"Arrintaasi waxay xad gudub ku tahay heshiisyadii hore loo gaaray iyo hab-dhaqanka caalamiga ah ee wada xaajoodka. Wafdiga Soomaaliya oo shirka la yimid niyad wanaag iyo Soomaalinimo, wuxuu caddeynayaa in ergada Somaliland ay keligeed mas'uul ka tahay in uu qabsoomi waayay shirkani"

Dhanka kale, Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo la hadlay VOA ayaa mas'uuliyadda burburka ku yimid shirka wuxuu dusha u saarey Dowladda Federaalka isagoo ku doodey in dowladda Muqdisho xaq u lahayn inay wadahadalka kasoo qayb geliso xubno deegaan ahaan kasoo jeeda Somaliland, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Shirkan ayaa qorshuhu ahaa inuu furmo 28-da bishii hore ee February balse dib u dhac ayaa ku yimid. Ajandeyaasha lagu gorfeyn lahaa kulanka waxaa ka mid ah arrimo xasaasi oo ay ugu muhiimsan tahay sida laga yeelayo midnimada iyo qadiyadda gooni isu-taagga Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgalka AUSSOM oo laga cabsi-qabo inuu burburo

Sida laga soo xigtay Youssouf, farqiga maalgelinta ayaa gaaray $180 milyan inkastoo taageero ay ka heleen dhowr saaxiibadood.

  • Soomaliya

    01-10-2025

  • 11:52AM

Soomaaliya iyo Uganda oo Saxiixaya Saddex Heshiis iyo Xasan Sheekh oo ku wajahan Kampala

Guddigan JPC ayaa la aas aasay sanadkii 2022 si loo dardargeliyo iskaashiga siyaasadeed iyo dhaqaale ee labada dal.

  • Soomaliya

    01-10-2025

  • 06:23AM