Wadarta duqeymaha uu Mareykanka ka fuliyey Soomaaliya sanadkan

Image
Howlgalkii ugu dambeeyay ayaa lagu khaarijiyey 10 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.

MUQDISHO, Soomaaliya - Mareykanka ayaa sheegay in saddex duqeymo oo hor leh oo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka fuliyeen Soomaaliya, islamarkaana habeen hore ay ku dileen 10 dagaalyahan.

"Is-difaac wadareed oo dhanka cirka ah ayaa la fuliyay iyadoo lagu taageerayo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira Al-Shabaab," sidda lagu sheegay war ka soo baxay taliska Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaan AFRICOM.

AFRICOM ayaa sheegtay in duqeyntan ay ku dhacday codsi ka yimid dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana duqeyntan ay ka dhacday deegaan fog oo ku dhow degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose, oo qiyaastii 105 KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo.

“La shaqeynta Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, qiimeynta bilowga ah ee Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa ah in duqeynta Mareykanka lagu dilay 10 ka tirsan argagixisada Al-Shabaab iyo in aysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama lagu dilay,” ayaa lagu yiri bayaanka.

AFRICOM ayaa intaas ku dartey in ay sii wadi doonto qiimeynta natiijadii ka soo baxday howlgalkan ayna bixin doonaan xog dheeri ah sida ay ku haboon tahay.

"Faahfaahin gaar ah oo ku saabsan cutubyada ku lugta leh iyo hantida la isticmaalay lama sii deyn doono si loo xaqiijiyo ammaanka howlgallada," ayaa lagu yiri bayaanka.

Howlgalkan ayaa wadarta guud ee duqeymaha Mareykanka ka fuliyay Soomaaliya sanadkan waxaana tiradda guud ay noqoneysaa 13 kuwaas oo badankooda lagu khaarijiyey xubno kamid ah Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM