Wafdi ka socda Dowladda Federaalka oo Kismaayo gaarey

Image
Image
Image

March 23, 2015 (GO)- Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa maaanta gaarey magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubaland.

Mas'uuliyiin ka tirsan Jubaland iyo dadweyne boqollaal gaarayey ayaa wafdigaas si diirran ugu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha, waxaana intaas kaddib loo gudbiyey goobta loogu talo galay inay degaan.

Wafdigan oo xubnihiisa  Wasiirka Warfaafinta iyo xildhibaanno kamid yihiin, waxay Kismaayo u tageen sidii ay uga qayb geli lahaayeen munaasabad lagu daah furayo barlamanka cusub ee Jubaland.

Ammaanka Kismaayo ayaa si weyn loo adkeeyey, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo aaddan ay degmadaas tagaan wufuud ka socota Puntland iyo Maamulku Koonfur Galbeed.

Xulista xildhibaannada barlamanka Jubaland ayaa qaadatey muddo labo sano ku dhow.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM