Wafdi ka socda Dowladda Federaalka oo Kismaayo gaarey

Image
Image
Image

March 23, 2015 (GO)- Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa maaanta gaarey magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubaland.

Mas'uuliyiin ka tirsan Jubaland iyo dadweyne boqollaal gaarayey ayaa wafdigaas si diirran ugu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha, waxaana intaas kaddib loo gudbiyey goobta loogu talo galay inay degaan.

Wafdigan oo xubnihiisa  Wasiirka Warfaafinta iyo xildhibaanno kamid yihiin, waxay Kismaayo u tageen sidii ay uga qayb geli lahaayeen munaasabad lagu daah furayo barlamanka cusub ee Jubaland.

Ammaanka Kismaayo ayaa si weyn loo adkeeyey, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo aaddan ay degmadaas tagaan wufuud ka socota Puntland iyo Maamulku Koonfur Galbeed.

Xulista xildhibaannada barlamanka Jubaland ayaa qaadatey muddo labo sano ku dhow.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe: Lagama aqbali doono Xasan Sheekh wixii isaga hore u diiday

Shirkan waa mid lagu badbaadinayo dalka iyo dadkiisa. Maamul wanaag ma aha in hal qof uu awoodda ku dhegganaado.

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 07:56AM

Warbixin: Nidaamka E-Visa-da Soomaaliya oo Weli La Tacaalaya Daldaloolo Amni

Falcelinno ka yimid hay’adaha caalamiga ah ee ilaaliya xogta ayaa ku tilmaamay tallaabada…

  • Soomaliya

    19-12-2025

  • 11:45AM