Wafdi uu hogaminayo Madaxweynaha Somali oo India tagay

Image
Image
Image
Image

28 Octobar, 2015(GO)-Madaxweynaha Somalia iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magalada Delhi ee dalka India, waxaana ku soo dhaweeyay mas'uuliyiin ka tirsan waddankaasi iyo safaradda Somalia.

Wafdiga  ayaa ka qeybgalaya shir u dhaxeeya India iyo wadamada Afrika kasoo looga hadlayo iskaashiga ay India la leedahay dalalka Qaaradda Afrika.

Shirkan oo ay tahay markii saddexaad ee la qabto heerkiisa ayaa waxuu furmi doonaa 29-ka October.
Shirkan ayaa lagu tilmaamay inuu yahay mid fursad u ah Somaliada, waxaana looga hadli doonaan sidii kheyraadka iyo korontada la isaga kaashan lahaa sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha dibedda Somalia Cabdisalaan Hadliye Cumar.

Sidoo kale Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa kulamo la qaadan doona Ra’isulwasaaraha dalka India iyo madaxda wadamada Afrika ee shirka ka qeybgalaya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Gollaha Ammaanka oo Mudo Kordhin u Sameynaya Howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya

Si kastaba ha ahaatee, qoraalka ugu dambeeya ayaa la sheegay inuu xaqiijinayo in howlaha UNTMIS ay dhammaan doonaan 31 October 2026.

  • Soomaliya

    23-12-2025

  • 12:15PM

Go'aan cusub oo Trump soo saarey oo saameyn ku yeeshay Soomaaliya

Isbeddeladan, oo la filayo inay dhaqangalaan bisha Janaayo, ayaa muujinaya dadaalka Trump ee ku aaddan in matalaadda diblomaasiyadeed.

  • Soomaliya

    23-12-2025

  • 10:25AM