"Wajiga koowaad" ee howlgalada gobolka Hiiraan oo lasoo afmeeray

Image
Image
Image
Image
Image
Ciidamadda oo garab ka helaya dadka degaanka ayaa dhaqdhaqaaq ballaaran kawada qaar kamid ah maamulada dalka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqdey in lasoo gabagabeeyay "wajiga koowaad" ee howlgaladda ciidamada iyo dadka degaanka ay ka wadeen gobolka Hiiraan, sidda ay ku warantey warbaahinta qaranka.

Wakaaladda wararka Soomaaliya SONNA ayaa intaas ku dartey "in la xoreeyay in ka badan 30 degaano, lana dilay 200 maleyshiyo Al-Shabaab lana soo qabtey 300+ maxaabiis ah".

Milatariga Soomaaliya ayaa soo bandhigay xarun ay "ka carareen" maleyshiyaadka Al-Shabaab oo ku taala degaanka Booco ee gobolka Hiiraan halkaasoo ay la wareegeen shalay.

Ciidamadda oo garab ka helaya dadka degaanka ayaa dhaqdhaqaaq ballaaran kawada qaar kamid ah maamulada dalka.

Ciidamadda Soomaaliya iyo dadka degaanka ee ku sugan goobaha "la xoreeyay" ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay bilaabeen howlgalo ay "ku baacsanayaan haraadiga" dagaalameyaasha Al-Shabaab.

Taliyaha ciidamadda lugta Soomaaliya, Maxamed Tahliil Biixi oo ay soo xigatay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in dagaaladda ka dhacay gobolka Hiiraan lagu dilay 127 xubnood oo kamid ah "argagixisada Al-Shabaab".

"Dagaalada ka dhacay Hiiraan waxaa lagu dlay 127 argagixisada Al-Shabaab ah. Gobolada kale waxaan ugu baaqaynaa in aysan aqbalin gumeysiga wiil yaroo qaawan," ayuu tibaaxay.

Maamulka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tan iyo markii uu la wareegay hogaanka waddanka wuxuu bilaabay in uu abaabulo beelaha si ay ula diriraan Al-Shabaab. Socdaal uu ku joogo Mareykanka ayuu taageero ugu raadinayaan qidadan cusub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo dib ugu laabtay Muqdisho kadib weerarkii Masaajid Cali Gaduud

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in madaxweynuhu uu soo gaabiyey booqashadiisa Cadale sababo la xiriira xaaladda amni ee sii xumaanaysa.

  • Soomaliya

    26-03-2025

  • 01:07PM

Xasan Sheekh oo markii 3aad dib ugu laabtay Shabeellaha Dhexe

Madaxweynaha ayaa lagu dhaliilayay inuu diiradda saaro deegaankiisa, iyadoo uusan tagin gobollada kale ee dalka.

  • Soomaliya

    25-03-2025

  • 02:40PM