Wajiyo is-diidan oo ku biiraya xeerdejinta 11aad ee Soomaaliya

Image
Xubno u kala safnaa dhinacyada iska soo horjeeda shantii sano ee lasoo dhaafay ayaa soo helaya kuraas.

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Gudiga hirgelinta doorashada ee Galmudug ayaa lagu wadaa in goor dhaw uu billaabo cod bixinta afar kursi oo maanta lagu dooranayo Dhuusamareeb. Waxaa kuraastaas maanta loo tartamayo kamid ah laba xiiso gaar ah leh, tirsigooduna yahay 040 iyo iyo 138.

Garowe Online ayaa fahamsan in kuraastaas ay ku soo kala bixi doonaan; Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo loo dooran doono 138 iyo Cabdullahi Aadan Kulane Kulane Jiis oo ku guulaysan doona 040.

Labada musharrax oo siyaasad ahaan aad isaga soo horjeeda ayaa waxaa kuraasta kula tartamaya laba shakhsi oo aan siyaasadda lagu aqoon, waxaana sida muuqata u tanaasulay xubno la filayay in ay loolan adag la geli doonaan.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo ah hogaamiyaha xisbiga Wadajir, ayaa sanadihii la soo dhaafay si weyn u dhaliili jiray dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Cabdullahi Aadan Kulane ayaa ka tirsan saraakiisha ugu awoodda badan hay'adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA, waxaana uu kaalin muuqata ku leeyahay hawlgalka ay ciidamada dowladda Federaalka ka wadaan gobolka Gedo ee khilaafka uu kala dhexeeyo maamulka Jubaland. Waxaa sidoo kale uu kaalin ku lahaa dilkii iyo qarintii Ikraan Tahliil Faarax.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa noqonaya musharraxii saddexaad ee u taagan madaxtinnimada Soomaaliya ee la filayo inuu kamid noqdo baarlamaanka 11-aad. Waxaa ka horreeyay Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo Mustafe Sheekh Dhuxulow oo loo doortay xildhibaanno.

Cabdiraxmaan waxa uu horay xildhibaan uga soo noqday baarlamaankii Jabuuti lagu soo dhisay 2009 ee ay ku midoobeen dowladdii uu hogaaminayay Cabdullahi Yuusuf iyo isbahaysigii fadhigiisu ahaa Asmara ee uu hogaaminayay Sharif Sheekh Axmed.

Baarlamaanka cusub ayaa waxaa ku soo badanaya wejiyada is diidan, iyadoo ay kuraas ku guulaysteen rag qaarkood la kala safnaa dhinacyadii Muqdisho ku dagaallamay horraantii 2021, kadib muddo kordhintii uu baarlamaanka ansixiyay.

Doorashada Soomaaliya ayaa si dardar leh uga socota maamullada Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle, iyadoo gudiga maamulka doorashooyinka xildhibaanada labada aqal ee gobollada Waqooyi uu maalmaha soo socda dooran doono saddexda kursi ee ugu dambeysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jubaland: Dowladda Soomaaliya waxay colaad ka hurinaysaa gobolka Gedo

Golahu wuxuu bogaadiyay guulaha ay Ciidamada Dowladda Puntalnd ka gaareen dagaalka Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish.

  • Soomaliya

    06-02-2025

  • 06:10PM

Dowladda Soomaaliya oo Bogaadisey Ciidamada Puntland ee Ka Dagaallamaya Cal-Miskaad

Golaha Wasiirrada ayaa ugu dambeyntii sheegay in taageerada dowladda ay si joogto ah ugu socon doonto ciidamada Puntland.

  • Soomaliya

    06-02-2025

  • 11:39AM