Wakaaladaha biyaha iyo korontada Jubaland oo la dhisayo

Image
Golaha Wasiiradda maamulkan ayaa soo jeediyey yagleelida wakaaladan muhiimka ah.

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Dowladda Jubaland, H.E Ahmed Mohamed Islaam, ayaa Khamiista maanta ah wuxuu shir gudoomiyey kulanka golaha wasiirada.

Golaha wasiirada ayuu uga warbixiyey xaalada guud ee amniga, arimaha abaaraha oo guud ahaan si siman u sameeysay dhamaan dadka ree Jubaland iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, iyadoo Dowlada Jubaland ay wado gurmad baxaad leh oo lagaga gaarayo dadka ay dhibaatadu gaartay.

Wasaaradda Caafimadka iyo Daryeelka Bulshada Jubaland, waxa ay warbixin guud ka bixisay xaaladda isbitaalada Kismaayo, Dhoobley iyo Ceelwaaq, shirweynaha caafimadka oo sanadkii 5-aad oo xiriir ah wasaaraddu qabatay ayuu wasiirka oga warbixiyey golaha wasiiradda kaas oo qiimayn lagu samaynayay shaqada Wasaarada iyo adeega ay u hayso bulshada.

Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Jubaland ayaa golaha warbixin ka siisay abuurista wakaaladaha biyaha iyo korontada, waxaa uuna golaha wasiiradda usoo jeediyey in la dhiso wakaaladaas oo muhiimada gaar ah u leh helida biyo nadiif ah iyo koronto.

Wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalaynta iyo dib u heshiisiinta Jubaland ayaa ka  war bixisay dhismaha Dowladdaha hoose ee Ceelwaaq iyo mashaariicda Degmada Afmadow.

Wasaaradda Maaliyada iyo Hormarinta Dhaqaalaha Jubaland ayaa golaha warbixin ka siisay Isbadal lagu sameynaayo khidmadaha iyo canshuuraha laga qaado shirkadaha waawayn ee ka hawl gala Jubaland iyo soo jeedin Ku aadan isbadal dhinaca canshuuraha furdooyinka iyo  hirgalinta nidaaam ka cusub ee loo yaqaano SOMCAS.

Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Jubaland waxa ay soo gudbisay labo sharci oo kale ah; B- Sharciga Shaqaalaha aan Dowladiga aheyn. T- Sharciga Shaqaalaha ajaaniibta ah ama shisheeye.

"Sharciyadan ayey goluhu soo eegi doonan iyadoo todobaadka xiga shirka golaha wasiiradda lagu ansixin doono," ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka Madaxtooyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM