Wakiillada Qaramada Midoobey iyo IGAD oo Kismaayo gaarey

Image

March 7, 2015 (GO)- Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubaland waxaa maanta gaarey Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Kay iyo Wakiilka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey.

Labada mas'uul si diirran ayaa loo soo dhoweeyey, waxaana garoonka Kismaayo ku qaabiley mas'uuliyiinta ugu sarreysa Jubaland oo Madaxweyne Axmed Madoobe iyo ku-xigeenadiisu kamid yihiin.

Ujeedada booqashadan ayaa salka ku haysa xulista xildhibaannada barlamanka Jubaland oo xilligan gaba gabo ku dhow. Labada danjire ayaa sida wararka Kismaayo naga soo gaarayaa ay sheegayaan waxay ka qayb geli doonaan xaflad lagu daah furayo barlamanka Jubaland.

Booqashada Danjire Afey iyo Danjire Kay ayaa kusoo aadaysa maalin kadib markii Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubaland magaalada Kismaayo heshiis ku kala saxiixdeen.

Heshiiska oo dhowr qodob ka kooban waxay muhiimaddiisu isugu soo urureysaa in labada dhinac iskaasho xooggan ka sameeyaan dhincyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo ammaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM