Wakiillada Qaramada Midoobey iyo IGAD oo Kismaayo gaarey

Image

March 7, 2015 (GO)- Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubaland waxaa maanta gaarey Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Kay iyo Wakiilka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey.

Labada mas'uul si diirran ayaa loo soo dhoweeyey, waxaana garoonka Kismaayo ku qaabiley mas'uuliyiinta ugu sarreysa Jubaland oo Madaxweyne Axmed Madoobe iyo ku-xigeenadiisu kamid yihiin.

Ujeedada booqashadan ayaa salka ku haysa xulista xildhibaannada barlamanka Jubaland oo xilligan gaba gabo ku dhow. Labada danjire ayaa sida wararka Kismaayo naga soo gaarayaa ay sheegayaan waxay ka qayb geli doonaan xaflad lagu daah furayo barlamanka Jubaland.

Booqashada Danjire Afey iyo Danjire Kay ayaa kusoo aadaysa maalin kadib markii Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubaland magaalada Kismaayo heshiis ku kala saxiixdeen.

Heshiiska oo dhowr qodob ka kooban waxay muhiimaddiisu isugu soo urureysaa in labada dhinac iskaasho xooggan ka sameeyaan dhincyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo ammaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Warbixin: Nidaamka E-Visa-da Soomaaliya oo Weli La Tacaalaya Daldaloolo Amni

Falcelinno ka yimid hay’adaha caalamiga ah ee ilaaliya xogta ayaa ku tilmaamay tallaabada…

  • Soomaliya

    19-12-2025

  • 11:45AM

Nidaamka E-Visa ee Soomaaliya oo Amnigiisa sugnayn, Xogta Dad badan oo Khatar Ku Jirta

Toddobaadkan, Al Jazeera ayaa ku guuleysatay inay ku celiso nuglaanshaha uu tilmaamay isha xogta bixisay.

  • Soomaliya

    19-12-2025

  • 11:26AM