War-murtiyeed laga soo saarey shirka madaxda Soomaaliya

Image
Hogaamiyeyaasha dowladda federaala iyo maamuladda ayaa muddo afar maalmood ah ku shirsanaa Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa Isniinta maanta ah waxaa lasoo gabagabeeyay kadib muddo afar maalmood ah oo uu ka socdey magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

War-murtiyeedka laga soo saarey waxaa kamid ahaa arrimaha ku jira dardargelinta dhameystirka dastuurka iyo in dalka laga qabto doorasho hufan oo ku saleysan cod-bixiyeyaal diiwaan-gishan.

Bayaanka oo nuqu lamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa sidoo kale waxaa lagu caddeeyay in doorashooyinkaas ay ka qabsoomi doonan dowlad goboleedyadda iyo waliba heer federaal.

Sidoo kale, madaxda oo kulankooda uu hareeyay qaraxyo ka dhacay isgoyska Soobe ayaa waxay ku heshiiyeen dardargelinta ammaanka gaar ahaan howlgaladda ka dhanka ah maleyshiyaadka Al-Shabaab.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA DHAMEYSTIRAN

No photo description available.

No photo description available.

No photo description available.

May be an image of text

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM