Wararkii ugu dambeeyay ee doorashada Soomaaliya
MUQDISHO, Soomaaliya - Magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa ka socda diyaar garowgii ugu dambeeyay ee doorashada madaxweynaha Soomaaliya iyada oo xalay xilli dambe illaa saaka ay socotay bixinta lacagaha musharaxiinta ay siinayaan xildhibaanada si ay uga iibsadaan codadkooda.
Tan ayaa muujinaysa in dadku ka midyahay wadamada sida xun uu sameeyay Musuqa.
Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in xarunta ololaha musharax madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ay noqotay halkii ugu horeysay ee lacag laga bixiyey, waxaana kadib ku xigsaday inta badan musharaxiinta kale.
Musharaxiinta ayaa bixinaya lacag u dhaxeysa 30 illaa 50 kun oo doollarka Maraykanka ah, ayada oo ay ku xiran tahay miisaanka xildhibaanka iyo heerka uu ka caawin karo musharaxa inuu xubno kale kusoo biiriyo.
Wararka ayaa sheegaya in ay jiraan musharixiin aan wali bilaabin bixinta lacagta sharcidajiyaasha. Villa Somalia ayaa xalay keentay xujo cusub oo yaab leh, ayada oo xildhibaanada u sheegeysa inay lacagtooda qaataan kadibna seexdaan Villa Somalia, taasi oo ay diideen xildhibaanada.
Villa Somalia ayaa suuqa gashatay in ay bixin doonto lacag dhan 100 Kun halkii xildhibaan, taasi oo noqon doonta lacagtii ugu badneyd ee abid lagu iibsado cod xildhibaan, waxaana adag in la helo musharax bixin kara lacag taas la mid ah sida ay faafiyeen taageerayaasheeda.
Musharixiinta ay sida xarumahooda ololaha looga dareemaya ayaa kala ah;- Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Khayre, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo dhamaantood ka mid ah musharixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha Soomaaliya.
Dhinaca kale, machadka Sahan Reseach ayaa qoray inuu helay warbixin sirdoon oo sheegeysa in dowladda Qatar iyo Fahad Yaasiin ay si hoose u taageerayaan musharax madaxweyne Cabdulqaadir Cosoble Cali.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in Cosoble oo wax kusoo bartay dalka Masar, islamarkaana ka tirsan urur diimeedka Islaamiga ah ee Ictisaam uu fikir ahaan aad ugu dhow yahay Qatar, uuna hadda yahay qorshahooda labaad haddii Farmaajo uu meel wanaagsan gaari waayo.
Haddii warbixintan Sahan ay sax tahay, waxay isbeddel weyn ku sameyneysaa loolanka doorashada, waxayna Cosoble kusoo dari kartaa xubnaha ka gudbi kara wareegga koowaad ee doorashada.
Xogta aan helnay ayaa sheegeysa inay u badan tahay inay wareegga ugu dambeeyey doorashada isku wajahaan Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ama Xasan Sheekh iyo Farmaajo, haddii aanay wax isbeddelin saacadaha ugu dambeeyey.
Waxaa sidoo kale meesha laga saari karin in la-yaab uu ka dhaco doorashada, oo xubno lama filaan ah ay soo meel fiican soo gaaraan.
Xaaladda ayaa ah mid saacadba saacadda ka dambeysay sii yeelaneysa xamaasad, waxaana mar kasta abuurmaya isbaheysiyo cusub, taasi oo xaaladda si deg deg ah u beddeli karta.
Doorashadan ayaa soo jiidatay dadkii ugu badnaa taariikhda Soomaaliya. Sida ku cad liis ay shaaciyeen guddiga u xilsaaran doorashada madaxweynaha Soomaaliya, 39 musharrax ayaa la siiyay shahaadada ka qayb galka tartanka doorashada. Hal qof oo dumar ah ayaa tartanka ku jirta.
Musharixiinta is diiwaangaliyay ayaa ka soo jeedaan qabiillada ugu waaweyn Soomaaliya: Hawiye, Daarood, Dir, iyo Digit & Mirifle, oo sidoo kale loo yaqaano Raxanweyn.
Inta badan tartamayaasha ayaa ku cusub tartanka balse waxaa ku jira siyaasiyiin ruug cadaa ah. Madaxweynaha hadda xilka haya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa raadinaya in uu kursigiisa ka difaacdo Madaxweynihii isaga ka horreeyay ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed oo Madaxweyne ahaa intii u dhaxeysay 2009 ilaa 2012.
GAROWE ONLINE