Wararkii ugu dambeeyay Is-diiwaangelinta Musharixiinta doorashadda Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho waxaa ka socda diyaargarowga doorashada madaxtinimada ee Soomaaliya, taas oo la filayo in ay qabsoonto maalinta Axadda ee 15-ka May.

In ka badan 30 musharax ayaa illaa haatan la guddoonsiiyey shahaadooyinka u ogolaanaya inay u tartamaan kursiga madaxweynaha Soomaaliya.

Guddida Doorashada ee labada gole ee loo xilsaaray doorashada madaxtinimada ayaa sheegay in 4:00 galabnimo ee maalinta Salaasada ee bisha May ay tahay 10-ka in ay tahay xilliga ugu dambeeya ee musharaxiintu ay fursadda u haystaan in ay qaataan shahaadooyinka musharaxnimada kursiga madaxweynaha.

Guddida doorashada ayaa sidoo kale musharaxiinta is-diiwaangeliyey iyo kuwa raba inay is-diiwaangeliyaan u sheegay in ay maalinta Salaasada ee 10-ka May ku soo gudbiyaan illaa 400 oo nuqul oo daabacan oo ka mida barnaamijkooda doorashada iyo weliba nuqul electronic ah.

Musharixiinta harsan oo uu ka midyahay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo talaadaa lagu wadaa in ay tagaan xarunta guddiga soona qaataan shahaada musharaxnimada maadaama ay ku egtahay fursada is diinwaan galinta.

Musharaxiinta la diiwaangeliyay ayaa kala ah:-

  1. Shariif Sheekh Axmed
    2. Daahir Maxamuud Geelle
    3. Bashiir Xaaji Cali
    4. Cabdulqaadir Cosoble Cali
    5. Cabdullaahi Cali Xasan
    6. Xasan Cali Khayre
    7. Cabdinuur Sheekh Maxamed
    8. Cabdikariin Xuseen Guuleed
    9. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
    10. Cabdiraxmaan Macalin Axmed Ablaal
    11. Saciid Ciise Maxamuud
    12. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi
    13. Axmed Ducaale Geelle Xaaf
    14. Mahad Axmed Diiriye
    15. Mukhtaar Maxamed Sayid
    16. Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan
    17. Nucmaan Sheekh Cumar
    18. Ridwaan Xersi Maxamed
    19. Xasan Sheekh Maxamuud
    20. Maxamuud Daahir Aweys
    21. Cumar Cabdulqaadir Axmed
    22. Jamaal Axmed Ibraahim
    23. Cabdulqaadir Xuseen Maxamed (Jaahweyn).
    24. Cabdi Aadan Hoosow
    25. Cabdulqaadir Sheekh Cali (Baqdaadi)
    26. Cabdi Maxamed Kuusow
    27. Cabdullaahi Cali Axmed
    28. Xuseen Cabdi Nuurow
    29. Jibriil Ibraahim Cabdulle
    30. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
    31. Abuukar Aadan Cabdulle
    32. Cabdinaasir Cabdulle Maxamed

Guddiga Doorashada Madaxweynaha ayaa gelinkii dambe ee maanta soo saaray habraaca lagu suggi doono amniga goobta lagu qabanayo Doorashada Madaxweynaha.

Guddiga ayaa go’aamiyay amniga Teendhada Afisyooni oo lagu qabanayo doorashada in lagu wareejiyo Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS, maalmaha hadaljeedinta musharaxiinta xilka Madaxweynaha oo ku aaddan 11-12 bishan iyo maalinta Doorashada Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo ku beegan 15-ka bishan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo Ciidamo usoo diray Soomaaliya kadib codsi Xasan Sheekh u diray Erdogan

Turkiga ayaa heshiisyo shidaal baaris iyo kuwa ku ilaalinayo badda Soomaaliya la galay dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    21-04-2025

  • 12:14PM

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo shir deg-deg ah ku qabtay Madaxtooyada

Kulankan ayaa yimid xilli ay xaalado amni oo adag ka taagan yihiin qaar ka mid ah gobollada dalka, iyadoo dagaallo culus.

  • Soomaliya

    21-04-2025

  • 07:30AM