Wararkii ugu dambeeyay Khasaaraha Qaraxii Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa maanta ka dhacay wadada hormarta garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxaana ku dhintay ilaa 8 ruux sida uu sheegay madaxa gaadiidka gurmadka deg dega ah ee magaaladda.

Maxamed Cismaan oo ka mid ah dadka ku nool magaalada Muqdisho ayaa sheegay in jugta qaraxa ay gilgishay darbiyada iyo saqafka masjid uu ku soo tukaday Salaadda duhur kaasoo ku yaalla meel u dhow goobta.

"Markii aan ka soo baxay masaajidka, waxaan arkay dhowr guri oo qadiimi ah oo dumay, meydad waddada yaalla, gacmaha iyo lugaha go'go'ay," ayuu Cismaan u sheegay Reuters.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka, iyadoo war qoraal ah oo soo saartey ku iclaamisay inay la eegatay kolonyo ay la socdeen Saraakiil Cadaan ah.

Cismaan waxuu sheegay inuu arkay sagaal mayd oo yaalay goobta. Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, oo ah agaasimaha Aamin Ambulance, ayaa tirada dhimashada ku sheegay siddeed.

"Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lala beegsaday kolanyo ay ku jiraan baabuurta aan xabadu karin oo marayay jidka Avisione, ma dhaqaano cidda iska leh kolonyada, waxaana goobta ka qaadnay siddeed qof oo dhintay," ayuu Cabdiraxmaan u sheegay Reuters.

Goor sii horeysay, sawir qaade ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters ayaa arkay afar meyd ah iyo afar baabuur oo burburay iyo labo mooto Bajaaj halka Axmed Nuur oo dukaanle ah uu sheegay in uu arkay ugu yaraan shan meyd ah.

Dhowr jeer oo hore, kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarradan oo kale.

Al-Shabaab waxa ay si joogta ah u fulisaa weerarro lagu bartilmaameedsado laamaha ammaanka iyo xarumaha dowladda, ee ku yaalla Caasimadda. Waxay kaloo fulisaa weeraro ka dhan ah ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM