Wararkii ugu dambeeyay Qaraxa Beledweyne

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Ugu yaraan 10 qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen qarax is-miidaamin ah, oo Maanta barqadii ka dhacay magaaladda Beledweyne, ee xarunta gobolka Hiiraan.

Qaraxa ayaa lala eegtay Makhaayadda Xasan Dhiif, oo ku dhaw xarunta maamulka gobolka, waxaana xiligaasi ku sugnaan Mas'uuliyiin kala duwan, oo heer degmo iyo Xildhibaano kamid ah Baarlamaanka HirShabeelle.

Dad kaloo aad u badan oo Xildhibaano iyo Mas'uuliyiin ay ku jiraan ayaa ku dhaawacmay qaraxa Maanta, oo lagu soo beegay xili Beledweyne isku diyaarinayso inay ka dhacdo doorashadda 25 kursi oo kamid ah Gollaha Shacabka.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxa, balse Al-Shabaab ayaa lagu eedeeyay. Xildhibaan lagu magacaabo Aadan Kala-dire oo Baarlamaanka HirShabeelle kamid ah, ayaa la sheegay inuu kamid yahay mas'uliyiinta dhaawaca ah.

Amniga magaaladda ayaa mudooyinkii dambe ahaa mid jilicsan, iyadoo uu ku sugan yahay Madaxweyne Cali Guudlaawe, oo sanad kadib tagey dhawaan, waxaana la geeyay Ciidan katirsan Haramcad iyo Gorgor oo Muqdisho Farmaajo kasoo diray.

Fahad Yaasiin, oo ah la-taliyaha amaanka Farmaajo ayaa la filayaa inuu magaaladda Beledweyne u aado doorashadda kursiha HOP86 oo uu isaga u xiran yahay, isagoo kala wareegaya kursiga Faarax C/qaadir, oo qaraabo yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM