Wararkii ugu dambeeyay Shirka Villa Somalia

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kulan ay isugu yimaadeen madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxdii hore ee dalka, kuna jira siyaasiyeen hore ugu tartamay xilka madaxtinimada ayaa kusoo gabageboobay magaalada Muqdisho.

Shirkan oo qaatay saacado badan, islamarkaana gogoshiisa uu dhigay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa diiradda lagu saaray xaalada amni oo dalka ka jirta.

Madaxweynaha ayaa siyaasiyiinta warbixin ka siiyey amniga dalka iyo guulaha laga gaaray la dagaalanka Al-Shabaab iyo sidoo kale, diyaargarowga wajiga 2aad ee lagu xoreynayo degmooyin badan oo ku yaalla koonfurta dalka.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale madaxdii hore la wadaagay waxqabadka xukuumadiisa muddada uu xilka haayey, iyo natiijooyinka ka soo baxay shirarkii madasha wadatashiga qaran ee la xiriray arrimaha doorashooyinka dalka.

Maalintii 1aad ee kulankaan ayaa ku soo dhamaatay jawi degan oo ay u riyaaqeen madaxda qaar oo shirka ka qeyb galay, halka la filayo in beri laga hadlo qodobo xasaasi ah, sida ay sheegeen qaar ka mid ah siyaasiyiinta.

Qodobada ugu miisaanka culus oo la filayo natiijada shirka inay qeyb ka noqoto ayaa ka mid ah in wadar-oggol laga gaaro hanaanka doorashada soo socota ee 2026, iyo nidaamka madaxtinimada dalka.

Kulankan ayaa la jaan-qaadaya hal ku dhigga madaxweynaha oo ah "Soomaali Heshiis Ah", halka la faliyo in dawladda ay wadahadlo la gali doonto maamulada aan la dhacsaneyn siyaasadeeda kulankaan kadib.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM