Wararkii ugu dambeeyay xaaladda magalada Galkacyo

Image

03 December, 2015(GO)-Magalada Galkacyo waxaa ku sugan wufuud kala duwan oo ka socda dhinacyada Federalka iyo Jubbaland kuwaaso oo u jooga nabad ka islaaxda degmada.

Shalay ayaa hishiis labada dhinac ku kala saxiixdeen magalada, waxayna ku baaqeen in dagaalka la joojiyo isla markaana nabadda laga shaqeeyo.

Balse, waxaa tan iyo shalay dhacayay rasaas kala duwan oo laga maqlayay daafaha magalada Galkacyo, lamana caddayn karo khasaaraha ka dhashay.

Maanta jawiga ayaa sidii hore ka duwan, waxaana dhacayay daqiiqada ka hor hubka waaweyn, kuwaasi oo badalay dareenka shacabka iyo rajada laga qabay hishiiskii shalay dhacay.

Dhawr hubka culus ayaa ku soo dhacay agagaarka xero Daraawiish, balse ma jirto cid wax ku noqotay, laakiin warar hoose ayaa sheegaya in bur bur soo garay hotello iyo guryo xabaddu haleeshay.

Waxa la arkayay dad iyo Gawaari kala duwan oo ka baqanaya waxa ka socda meelaha la rasaaseeyay.

Arrintan ayaa timi ka dib markii maanta shir yeesheen guddi loo saaray inay kala qaadaan ciidamada is horfadhiya, waxaana kulan ku yeesheen garoonka diyaaradaha Galkacyo kaga arrinsadeen sidii laba dhinac ciidamadooda u kala qaadi lahaayeen.

Guddiga ayaa la sheegay inay aadeen goobta ciidamadu fadhiyaan, balse waxaa bilaabatay rasaas xooggan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM