Warbixin: Al-Shabaab Oo Sannadkii hesha $200 Milyan, Ilaha ay ka hesho Gudaha Soomaaliya
NAIROBI – Kooxda Al-Shabaab ayaa sannadkii sameysa illaa $200 milyan, iyadoo dhaqaalahaas u adeegsanaysa maalgelinta dagaalka ay ka waddo bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, sida lagu sheegay warbixin cusub oo ka soo baxday Xarunta La-dagaalanka Argagixisada ee West Point (CTC).
Warbixinta oo cinwaankeedu yahay "Xaaladda Caalamiga ah ee Al-Qaacida: 24 Sano Kadib 9/11", ayaa tilmaamaysa in Al-Shabaab ay tahay laanta ugu dakhliga badan ee shabakadda Al-Qaacida. CTC waxay sheegtay in kooxda ay si joogto ah u maalgeliso ciidan gaaraya 18,000 dagaalyahan, isla markaana dib u qabsatay magaalooyin muhiim ah sida Aadan Yabaal, taasoo dhacda waqooyi-bari magaalada Muqdisho.
Dakhliga Kooxda
Sida lagu xusay warbixinta, dakhliga Al-Shabaab wuxuu ka yimaadaa:
1 - Canshuuraha khasabka ah
2 - Baadda laga qaado ganacsatada
3 - Lacagaha laga qaado gaadiidka iyo xoolaha
4 - Lacagaha xawaaladaha laga jarayo
5 - Ganacsi qarsoodi ah iyo lacag dhaqis ku saleysan ganacsi
6 - Kooxdu waxay dhaqaale badan ku uruurisaa nidaam canshuureed u dhisan sida mid dowladeed, iyadoo dadka iyo ganacsatada ku sugan deegaannada ay maamusho.
Al-Shabaab oo Iska Dhigtay Dowlad
CTC waxay sheegtay in Al-Shabaab ay dhaqaaleheeda u maareyso si nidaamsan, taasoo u suurta galisay inay u shaqeyso si lamid ah dowlad. Kooxdu waxay leedahay hab-raacyo canshuureed, qasnado, iyo shaqaale lacago u uruuriya, taasoo ka dhigaysa mid si wanaagsan ugu dhex milantay dhaqaalaha dalka.
Warbixintu waxay intaa ku dartay in meelo badan Al-Shabaab ay si hufan canshuur uga qaado ganacsiyada—xitaa ka waxtar badan dowladda federaalka ama maamul-goboleedyada qaarkood.
Saameynta Siyaasadeed iyo Amni
Kooxda ayaa sii kordhisay weerarada iyo dagaalka, gaar ahaan gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Galmudug, iyadoo dib u qabsatay magaalooyin muhiim ah oo dowladda horey ugu guuleysatay in ay xoreyso intii lagu jiray ololihii militari ee 2022.
Qabsashada Aadan Yabaal, oo ah marin istaraatiiji ah u dhexeeya Muqdisho, Jowhar iyo gobollada dhexe, ayaa u oggolaatay Al-Shabaab inay dib u xoojiso saadka, tababarka dagaalyahannada, iyo hub gudbinta.
Duqeymaha Mareykanka iyo Cunaqabateynta
Iyadoo la isku dayayo in la joojiyo dhaqdhaqaaqa kooxda, Mareykanka ayaa sanadkan Soomaaliya ka fuliyay 71 duqeyn cirka ah, oo lagu beegsaday xarumo tababar iyo saldhigyo Al-Shabaab leedahay, sida uu sheegay AFRICOM.
Bishii Abriil, Xarunta Mareykanka iyo Khaliijka ee Ka-hortagga Maalgelinta Argagixisada (TFTC) ayaa cunaqabateyn saartay 15 ganacsade Soomaali ah, kuwaasoo lagu eedeeyay in ay taageeraan shabakadaha lacago u gudbiya Al-Shabaab.
Warbixintan waxay muujinaysaa caqabad weyn oo hortaalla dowladnimada Soomaaliya, maadaama nidaamka dhaqaale ee Al-Shabaab uu noqday mid nidaamsan, baaxad leh, isla markaana awood u leh inuu sii wado colaadda muddada dheer.
GAROWE ONLINE