Warbixin: Kooxda Trump u Qaabilsan Amniga oo Ku Kala Qaybsan Joogitaanka Mareykanka ee Soomaaliya
Warar laga helayo ilo-wareedyo sare oo ku dhow dowladda Mareykanka ayaa sheegaya in guulo cusub oo ay gaareen kooxda Al Shabaab gudaha Soomaaliya ay keeneen cabsi cusub oo ka dhex dhalatay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka. Qaar ka mid ah saraakiisha wasaaraddaasi waxay soo jeediyeen in la xiro safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, isla markaana la daadgureeyo inta badan shaqaalaha safaaradda, si looga hortago khataraha amni.
Laakiin saraakiil kale oo ka tirsan Golaha Amniga Qaranka ee maamulka Trump ayaa arrintan si adag uga soo horjeestay. Waxay sheegeen in xiritaanka safaaradda ay dhaawici karto kalsoonida lagu qabo dowladda dhexe ee Soomaaliya, taas oo laga yaabo in ay keento burbur siyaasadeed oo degdeg ah.
Doodaha u dhexeeya madaxda Mareykanka waxaa sii hurinaya xasuusta dhacdooyin hore oo la mid ah sida weerarkii 2012 ee Benghazi ee Liibiya iyo burburkii dowladdii Afghanistan markii ciidamada Mareykanka ay si lama filaan ah uga baxeen dalkaasi sanaddii 2021.
Mareykanka ayaa muddo labaatan sano ku dhow ka waday Soomaaliya dagaal ka dhan ah argagixisada, balse ilaa hadda lagama gaarin horumar muuqda. Soomaaliya waa dal weli ku jira qalalaase siyaasadeed iyo isqabqabsi beeleed oo adag.
Sebastian Gorka, oo ah la-taliyaha sare ee Madaxweynaha Trump u qaabilsan la-dagaalanka argagixisada, ayaa hormuud u ah fikirka taageeraya in la kordhiyo duqeymaha iyo joogitaanka Mareykanka. Wuxuu aaminsan yahay in la xoojiyo la-dagaalanka Al Shabaab. Dhanka kale, xubno kale oo ka tirsan xisbiga Trump ayaa qaba in Mareykanku uusan dan weyn ka lahayn Soomaaliya, maadaama ay ka daaleen dagaallada sii daba dheeraaday oo ay kula jireen argagixsada tan iyo 2001-kii.
Toddobaadkii hore, kulan ka dhacay Aqalka Cad ayaa lagu falanqeeyay arrinta Soomaaliya, hase yeeshee wax go’aan ah lagama gaarin, sida ay sheegeen ilo-wareedyo la socday.
Mareykanka wuxuu muddo dheer taageerayay dowladda Soomaaliya, isagoo tababar iyo hub siinayay cutubyo gaar ah oo loo yaqaan Danab. Duqeymo drone ah ayaa sidoo kale lagu taageeraa dagaalka ay kula jiraan Al Shabaab. Qorshuhu wuxuu ahaa in dowladda Soomaaliya ay awood u yeelato sugidda ammaanka, balse arrintaasi wali ma rumoobin. Ciidamada qaarkood ma aysan difaacin drgaannada ay gacanta ku hayaan, halka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud lagu eedeeyay in uu lumiyay taageerada siyaasadeed ee dhinacyada Soomaliya.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka waxay sheegtay in safaaradda Muqdisho ay weli shaqeyneyso, isla markaana ay si joogto ah u eegaan khataraha amni. Si kastaba, saraakiil qaar ayaa doonaya in si tartiib tartiib ah loo yareeyo shaqaalaha safaaradda si looga fogaado xaalad degdeg ah oo la mid ah tii Kabul.
Waxaa kale oo jira cadaadis la xiriira isku-geynta shaqaalaha safaaradaha Afrika, taas oo ay saraakiil qaar u arkaan fursad lagu wareejin karo shaqaalaha Soomaaliya lana geyn karo dalalka Kenya ama Jabuuti si loo yareeyo kharashaadka.
Waxaa sidoo kale la isla dhexmarayaa in la tixgeliyo in saldhigyo la geeyo Somaliland, halkaas oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu sheegay in Mareykanku isticmaali karo garoomo diyaaradeed iyo dekado, inkastoo dowladdiisu aysan si buuxda u maamulayn dhulkaas.
Gorka ayaa ka hor yimid in la yareeyo joogitaanka Mareykanka, wuxuuna sheegay in taasi ay u eg tahay oggolaansho loo siiyay Al Shabaab in ay dalka la wareegaan. Wuxuu ku baaqay in la kordhiyo duqeymaha lala beegsanayo dagaalyahanada kooxda.
Tallaabo kasta oo la qaado waxay saamayn ku yeelan doontaa xidhiidhka Mareykanku la leeyahay dalalka gobolka sida Itoobiya, Imaaraadka, Turkiga, Masar iyo Kenya, kuwaas oo iyaguna dagaal kula jira Al Shabaab.
Waxaa sidoo kale la is weydiinayaa haddii CIA ay sii wadan karto howlaha ay ka waddo gudaha Soomaaliya haddii safaaradda la xiro. Xusuusta weerarkii Benghazi oo lagu beegsaday safaaradda iyo saldhig CIA ayaa sidoo kale weli saameyn ku leh qorsheyaasha cusub.
Hadda, Mareykanku wuxuu wajahayaa su’aal culus: inuu sii wado howlgalada hadda, inuu kordhiyo duqeymaha, ama inuu yareeyo joogitaanka iyadoo duqeymaha laga sii wado saldhigyo fog. Su’aasha kale ee weyn waa maxaa dhici kara haddii Al Shabaab ay la wareegto dhul badan oo Soomaaliya ka mid ah? Ma waxay ku ekaan doonaan xukun gudaha ah, mise waxay bilaabi doonaan weerarro dibadda ah?
Al Shabaab ayaa ka dhalatey qalalaasahii ka dhacey Soomaaliya bartamihii 2000-meeyadii, waxayna 2012 ku biireen Al Qaeda. Waxay weerarro ka fuliyeen dibadda Soomaaliya, sida weerarkii 2013 ee Westgate ee Nairobi, Kenya, iyo weerarkii 2020 ee saldhigga Mareykanka ee Manda Bay.
Soomaaliya waxay xigtaa dalka Yemen, halkaas oo Mareykanku uu duqeymo ka dhan ah Xuutiyiinta ka waday. Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay inay la socdaan suuragalnimada xiriir ka dhaxeeya Al Shabaab iyo Xuutiyiinta.
Ugu dambeyn, Mareykanka wuxuu u baahan yahay inuu si qoto dheer u qiimeeyo waxa uu ka damacsan yahay Soomaaliya. Go’aankaasi wuxuu saameyn ku yeelan doonaa mustaqbalka dalkaas iyo amniga gobolka oo dhan.
Tarjumaada Garowe Online (maqaalkaan waxaa lagu daabacay jariidada New York Times)